Guddida Doorashooyinka Oo Madaxweynaha War-bixin Ka Siiyey Diyaar-garowgooda Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha
Hargaysa 13. April 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ), ayaa Shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).
Sidaana waxa lagu sheegay War kooban oo lagu baahiyey Barta ay Komiishanka Doorashooyinku ku leeyihiin Internet-ka.
Kulankan ayaa Komiishanku waxay Madaxweynaha ugu Gudbiyeen War-bixin la xidhiidha halka ay u marayso Hawsha ay ugu diyaar-garoobayaan qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada oo Dalka laga bilaabo doono 29-ka bishan Abriil haddii Alle yidhaahdo.
Warka Komiishanku ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Internet-ka oo oo Qurbejoog ka soo xigatay ayaa u qornaa sidan “Kulanka oo Maanta (Shalay) ka dhacay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa KDQ u gudbiyeen Madaxweynaha warbixin la xidhiidha halka ay hawsha u diyaar-garowga kaadh-qaybinta iyo doorashada Madaxweynaha ee soo socotaa u marayso.
Xubnaha Guddida KDQ oo Sabtidii ka soo kala noqday Gobollada Awdal iyo Saaxil waxay Madaxweynaha gaadhsiiyeen in hawlihii Kaadh-qaybinta bilaabmatay iyaga oo soo diyaariyay shaqaalihii Jaamacadaha ee ka shaqaynaayay kaadh-qaybinta bilaabmi doonta 29 April.
Sidoo kale KDQ waxay u gudbiyeen Madaxweynaha qorshaha Kaadh-Qaybinta iyo doorashada oo faahfaahsan, arrinkaas oo uu madaxweynuhu aad ugu riyaaqay kuna bogaadiyay KDQ. Kulankan waxa kale oo kala soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka Madaxtooyada.
Gabagabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa KDQ ku booriyay hawsha ay Qaranka u hayaan ugana mahad naqay sida ay hawshooda u wataan ee ay ugu diyaargaroobeen fulinta hawlaha kaadh-qaybinta iyo doorashadaba.”