Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Sababta Uu Todobaadkii Hore Ugu Dhawaaqay Xaalada Dagaal,Isla Markaana Sheegay inuu Al Shabaab Wada Hadal La Furayo Hadii ay Diidaana uu 2 Sano Ku baa’bin doono DAAWO
Muqdisho 13. April 2017 (SDN/QJ):- Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho waxaa lagu Qabtay sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre , Wasiiro, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Saraakiil ciidan iyo Marti sharaf kala duwan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad dheer oo dhinacyo taabaneysay ka jeediyey munaasabad loogu dabaaldegayay xuska 57-guurada ka soo wareegtay aasaaska ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed taasoo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale ah Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida balan qaaday in dowladda ay si joogta ah u bixin doonto xaquuqda ay leeyihiin ciidamada, isagoo hambalyo ku aadan munaasabadda maanta u diray ciidamada xoogga dalka, wuxuuna ku amaanay dagaalka adage ee ay kula jiraan Al-Shabaab.
Waxaa uu xusay in todobaadkii hore uusan iclaaminin dagaal, balse uu dadka u sheegay in dalka ku jiro xaalad dagaal, ujeedadana ay aheyd in dadka hurdada laga kiciyo.
“Aniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaan u diyaar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsan lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka go’an iyadoo dagaal ku jirta in ay dhaqaalaha kobciso, shaqo abuur sameyso, dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
“Al-shabaab waxaan leeeyahay ma burburin kartaan dowladda Soomaaliyeed, mana qabsan kartaan, waxaan diyaar u nahay inaan wada xaajood idin la galno, inoo imaada, hubka iska dhiga, aan wada fariisano, hadaad nabad qaadan weydaan meel kasta aad joogtaan ayaa idinku imaaneyna, waana idinla dagaalameynaa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farnmaajo ayaa intaa raaciyey in muddo laba sano gudahood ah ay dowladdiisu Al-Shabaab kaga xureyn doonto dhamaan meelaha ay haatan kaga sugan yihiin Soomaaliya, ayna ka hirgelin doonaan maamullo.
Madaxweynaha ayaa u yeeray saraakiishii hogaamineysay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho intii ay socotay Munaasabadda xuska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo amar ku siiyey mar kale iney sameyaan qorshe adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, si dalka looga sifeeyo.
Waxaa uu mar kale ugu baaqay dhallinyarada u dagaalanta Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda, waxaana uu u balan qaaday inay heli doonaan daryeel iyo mustaqbal wanaagsan.
Intii Munaasabadaas ay socotay ayaa ciidamada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa waxay goobta ku soo bandhigeen gaaddo ka cayaar, iyagoo watay gaadiidka dagaalka.