Ardeydii Wax Ka Baran Jirtay Jaamacaddii Togdheer University ee La Xidhay oo Wasiirka Waxbarashada ugu Baaqay in uu Is Casilo + Fadeexado Hor Leh oo ay Soo Bandhigeen DAAWO
Burco 13. April 2017 (SDN/QJ):- Ardeydii wax ka baran jirtay jaamacadda Togdheer University ee magaalada Burco oo ka mid ah jaamacado dhawaan uu wasiirka Waxbarashadu qalinka ku duugay in ay kala noqonayaan ruqsaddoodii shaqo oo ah jaamacad ay dhigtaan kumanaan ardey, ayaa wasiirka wasaaraddaasi ugu baaqey in uu gebi ahaan ba iska casilo xilka wasaaraddiisaas oo ay sheegeen in uu ku fashilmay iyaga oo tilmaamay in wasiirka waxbarashadu uu doonaayo in god madow ku rido mustaqbalk waxbarasho ee ardeydaasi.
Mid ka mid ah ardey arrintaasi ka mudaharaaday, ayaa waxa ay si qiiro leh uga hadashay dhibbaatada ka ardey ahaan ka haysata wasaaradda Waxbarashada iyaga oo iftiimiyey in wasiirka waxbarashadu uu yahay shakhsi ku haftay isla mar ahaantaana ku fashilmay shaqaddii wasaaraddaasi.