|

Maxaad Kala Kulmi Kartaa Haddii Bunka Aad Cabto Millix Lagu Daro ?

Hargaysa 13. April 2017 (SDN/QJ):- Dad badan ayaa aad u jecel inay arroortii cabbaan bun madaw inta aanay shaqada tagin ka hor, Dadka qaarkoodna waxay jecel yihiin inay caano ku darsadaan, halka qaar kalena jecel yihiin inay sonkor ku cabaan.

Laakiin waxa layaab noqotay inay jiraan dad jecel in Bunka ay cabayaan loogu darro Millix, sidaasina ay kaga maarmaan Sonkortii ay ku darsan jireen Bunka, waxaanay Dadkaasi ku andacoonayaan in marka Bunka Qadhaadh lagu darro Millixda uu dhadhankiisu noqonayo mid aad u wanaagsan waxaanay sheegeen in arrintaasi ay xaqiijinayso Deraasad uu soo bandhigay wargeyska Metro, taasoo cadaysay in haddii bunka Qadhaadh Millixda lagu daro in Maadada Sodium-ta ee ku jirta Millixda ay baabiinayso qadhaadhka xad dhaafka ah ee Bunka sidaasina lagu helayo dhadhan aad u wanaagsan.

Comments are closed