Maayarka Hargaysa oo Isagoo Raali Gelinaya Marwada Madaxweyne Siilaanyo Dhulka la Simay Goob ay Degenayeen dad Danyar ah & Fannaanadii 1aad ee Somali ku Heesta Guduudo Carwo oo Khasaare la Gaadhsiiyey Gurigii ay Degenayd
Hargaysa 11. April 2017 (SDN/QJ):- Fanaanadda caanka ah ee Shamis Abokor Guduudo Carwo ayaa guriga ay ka dagan tahay magaaladda hargaysa ee ku yaal xaafadda duriya ee 26juun lagu dumiyay waxaa saaka halkaasi ku waabariistay caga-cagafyo ay leedahay dowladda hoose ee hargaysa kuwaas oo burburiyay dayrar uu ku jiro guriga hooyadan Shamis Abokor.
Maayarka Caasimadda hargaysa C/raxmaan Soltelco oo amarkan soo bixiyay ayaa waxaa uu ka xishoon waayay hooyaddan magaca iyo milgaha ku leh qaranka Somaliland waxaanay hooyaddani miciinsatay baroor.
Weerarkan oo saaka waaberigii hore lagu soo qaaday guriga Hooyadii Fanka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid loo adeegsatay gaadiidka Cagafyada dowlada Hoose ee Hargeysa iyo cutubyo ciidanka Booliska Somaliland ah, kuwaas oo oo aan ixtiraamin Guriga Hooyada Fanka Shamis Abokor “Guduuda Carwo ” oo la dumiyay qayb ka mid ah, isla markaana dhulka la samey wajhada hore ee Guriga Hooyo Shamis, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay 20-sano in ka badan ay guriga degenayd,kaasi oo la sheegay in gurigan loo dhisay xiligii dowladii Siyaad Barre.
Dhanka kale Ujeedada weerarkan ay Marwo Aamina Waris soo abaabushay ee guriga Hooyada Fanka Soomaaliyeed iyo guryo kale lagu soo weeraray ayaa ahaa mid ay Marwo Aamina Waris ku doonayso in ay jid weyn oo waafi ah ugu samaysanayo guri weyn oo huteel ah , kaasi oo dhawaan uu dhismihiisu dhamaaday , waxaana xusid in guriga qasriga ah ay ka qotamisay xaruntii WOMANS. Clup-kii Magaalada Hargeysa.
Xukuumadda Somaliland oo looga baahnaa in ay taakulayso iska margaana ay sharafto hooyadii Fanka Somaliyeed oo qaybo lixaad leh ka soo qaatay horumarinka dalka iyo halgankii qaadhaadh ee gumaystihii ingriiska, ayaa waxa wax laga xumado ah in gurigii ay ku noolayd lagu dumiyo , isla markaana lagula kaco aflagaado qaawan.
Geesta kalena Hooyadii Fanka Soomaaliyeed oo Warbaahintu ku booqday guriga lagu dumiyey ayaan awoodin in ay haddasho,Maadama uu ku dhacay Xannuunka Faaligu iyadoo ay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa si weyn uga xumadeeen talaabada lagula kacay hooyadii fanka Soomaaliyeed Shamis Abokor “Guduuda Carwo”.