|

Telefiishan Ruqsad Ka Haysta Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Si Cad U Xaqirey Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland DAAWO

Hargaysa 12. April 2017 (SDN/QJ):- Talefishan ka mid ah Talafeshinada Afka Somaliga ku hadla ayaa waxaa uu si badheedh ah meel kaga dhacay qadiyada iyo jiritaanka qaranimada dalka Somalilnd.

Muuqbaahiyaha lagu magacaabo Star Television Network (STNTV) oo xaruntiisa koowaad ku taalloy Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa waxaa uu si ula kacay u Baahiyey Warar Iyo Barnamijyo Lagu Magac dilaayo jiritaanka iyo qadiyada madax bannaanida dalka Soomaliland.

Talefishankan oo Rusqada uu kaga hawlgalo dalka Somaliland ay siisay Wasaarada Warfaafinta Somaliland ee uu Wasiirka ka uahay Mr.Cadaani ayaan mooganayn talefishankani dagaalka cad iyo aflagaadada ee uu ku hayo jiritanka Jamhuuriyda Somalilnd.

Muuq-baahiyahani ayaa ku kacay tallaabooyin ka xun tallaaboyinki ay hore uqaaden Talefishano ku hadla afka Somaliga oo laga mabnuucay in ay ka hawlagalaan gudaha dalka Somalilnd.

Si kastaba ha ahaate Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa laga sugayaa inay tallaabo cad ka qaado Talefishankan caddeystey inuu baahiyo Barnaamijyo lagu xaqirayo Jiritanka qaranimada dalka Soomalilnd.

 

Comments are closed