Laamaha Amaanka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Koox Caasimadda Hargaysa kaga dhawaaqay Urur Diimeed Lagu Magacaabo Saadicuuna Bil Xaq DAAWO
Hargaysa 11. April 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Guud ee Ciidamadda Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Maanta Shaaca ka qaaday in Ciidamadda Boolisku Xabsiga u Taxaabeen Koox aqoon yahano ah oo Magaaladda Hargaysa kaga dhawaaqay Urur Diimeed lagu Magacaabo Saaciduuna Bil Xaq Kuwaas oo Markii danbe Goobo ka mid ah dalka Somalia lagaga dhawaaqay Ururkan.