Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Dawladda Soomaaliya U Soo Jeediyey Inay Imaaraadka Heshiisyada La Galay Somaliland Ka Dacweeyeen Q. Midoobay Iyo Midowga Afrika
Washington 10. April 2017 (SDN/QJ):-Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Reer Somaliland ah, balse aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya u soo jeediyey Talooyin lid ku ah Heshiisyada Imaaraadku ku hormarinayo Dekedda Berbera isla-markaana uu Saldhigga Ciidan kaga samaysanayo Magaalada Berbera ee Somaliland.
Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka soo horjeeda Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Imaaraadka kala hadasho Heshiisyada uu ku Maal-gelinayo Dekedaha Berbera iyo Boosaaso isla-markaana uu Saldhigga Ciidan kaga samaysanayo Magaalada Berbera, haddii uu diidana ay ka Dacweyso Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Cabdi Ismaaciil Samatar oo arrimahan ay ka wareysatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa yidhi “Imaaraadku wuxuu la saxeexday (Somaliland) in Dekedda Berbera dib loo dhiso, Saldhig Ciidanna halkaa laga samaysto, tan Boosaasana waa sidaa si leeg, markaa marka hore Ummadda Soomaalidu ha ogaato Carab u naxaysa oo Muslimnimo iyo Soomaalinimo ugu naxaysaa horena umay jirin, imikana ma jiraan. Waxaad mooddaa kuwaa Imaaraadku inay ku talo-jiraan sidii loo kala qayb-qaybin lahaa oo meel walba ay Goonidooda ugu yeedhan lahaayeen.”
Mr. Samatar oo Idaacadda VOA waydiisay waxa la yeelayo Maaddaama oo Puntland iyo Somaliland aanay u joojinayn Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ku jawaabay “Xalku wuxuu yahay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Soomaaliya intay si deg-deg ah isku ururiso inay toos ugu tagto Imaaraadka, hadduu Imaaraadku yeeli waayo, waa in loo tagaa Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo sidii Kenyaba badda la iskaga celiyey la iska celiyo oo halkaa la galo..”ayuu yidhi.