Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inay Mag dhow u doonayso Dhallinyaradii Somaliland ee Lagu Dilay Yemen Kadib Markii uu Gantaal Qabsaday Doon ay Ku Safrayeen DAAWO
Hargaysa 10. April 2017 (SDN/QJ):-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Sheegtay in Baadhis dheer oo ay Sameeyeen Kadib ay ogaadeen in Dhallinyaradii Ku naf wayday doon ay Saarnaayeen oo Gantaal ku habsaday ay 21 ka Mid ahi dhalasho ahaan ka soo Jeedaan Somaliland isla Markaana ay Dhinteen halka 10 ka mid ahina ay dhaawacmeen Iyagoo 31 Qofba Somaliland u dhashay waxayna xuseen inay Xidhiidh la sameeyeen dawlada taagta daran ee dalka Yemen.