Muuse Biixi Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Sababaha Madaxweyne Kasta Oo Somaliland Soo Mara Xukuumaddiisu U Tiro Badato
Hargaysa 10. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay Su’aalo badan oo laga waydiiyey Dib u dhacyada ku yimaadda Doorashooyinka iyo inuu Xukuumad kooban soo dhisi doono haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada oo Somaliland ka dhacaysa Dabayaaqada Sannadkan, 2017-ka.
Muuse Biixi Cabdi oo Dhallinyarada Jaamacadaha Dalka iyo Aqoonyahanno kale waydiiyeen Su’aalo badan, ayaa si faahfaahsan fasiraad uga bixiyey Sababaha keena in Xukuumadaha soo mara Somaliland ay aad u faro bataan iyo siduu u arko dib-u-dhacyada ku yimaadda Doorashooyinka Somaliland.
Muuse Biixi oo ugu horeyn ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey siduu u arko Dib-u-dhacyada ku yimaadda Doorashooyinka ayaa yidhi “In mar walba Doorashooyinka dib loo dhigo waa Dhaliil ku soo baxday Qaranka Somaliland, laakiin taa Cidna kuma faraxsana oo Innaguba waynu arkaynaa, laakiin KULMIYAHA Maanta joogaa kor-kordhintaa Qaranka ku dhacaysa waa ka beri, Madaxweynaha Maanta joogaa isagoo shantiisii dambe xaq u leh wuxuu yidhi Anigu doorasho geli maayo, markaa Mar hadduu Madaxweynihiiba yidhi anigu geli maayo Doorasho oo uu halkaa iska dhigay, KULMIYE lagu tuhmi maayo Dib u dhacaa (Doorashada), Waayo? Ninkii dib u jiidi lahaa isagaaba (Tanaasulay). Mar labaadkii la kordhiyey Markhaati baad ka ahaydeen oo qolada Mucaaradkaa tidhi la qaban maayo Doorashada, haddana waxaad mooddaa in la doonayo in Dhaliisheeda la nagu soo celiyo.”
Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE oo la waydiiyey in Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka mid noqon doonaan Xukuumaddiisa haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada, ayaa yidhi “Ardayga Imtixaanka keena Derajada (A) abaal-gud baa la siiyaa sow maaha?, Wasiirka aad u shaqeeyaana wuu imanayaa (Xukuumaddayda) , kii shaqeyn waayaana wuu tagayaa.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka jawaabay isla-markaana uu Fasiraad ka bixiyey waxa u sabab ah in Xukuumad kasta oo soo marta Somaliland ay yeelato Gole Wasiirro ah oo aad u tiro badan, waxaanu yidhi “Xukuumadda badi iyo yareeba Adigaa lagaa hayaa (Shacbiyoow) oo nagu qasbaya, Waayo? Dadka codeeyaa markaynu dardaarmayno waxay yidhaahdaan Dawlad kooban oo tayo leh (soo dhis) illlaa Xukuumaddii Cigaal, markaad dhisto (Xukuumad kooban) Dadkii codeeyay oo sidoodiiya ayaa waxay ku odhanayaan Dawladda ha lagu daro (Hebel), kana ha lagu daro…”
Muuse wuxuu Dadweynihii Su’aalaha waydiinayey u bandhigay inuu diyaar u yahay inuu ku shaqeeyo sida ay doonayaan Shacabku, “Caawa heshiis baynu wada galaynaa, ee waxaad tidhaahdaan Dadka ku soo doortay ha dhegaysan oo maqlin oo wax walba MAYA dheh’ oo ii saxeexa (inaan sidaa ku shaqeeyo) ama Dadka ogolow yidhaahda oo ii saxeexa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maaha in Hoggaamintu sidan tahay ee waxaad ka dhegaysanaysaa Shacabka, Xaaladda Dadkeenu ku jiraan ayaa Madaxweyne walba jiidhsiinaysa oo ku qasbaysa (Inuu dhiso Xukuumad tiro badan), markaa Madaxweyne Ummaddiisa oo dhami leedahay dhaqaaji (oo hebel Xil u Magacow muxuu yeelanaya?)…Nina ma jecla (Xukuumad tiro badan), laakiin waa lagu qasbayaa.”