Dawladda Sucuudiga Oo Somaliland U Soo Dirtay Dhakhaatiir Baadhitaan Caafimaad Iyo Kormeer Ku Samaynaysa Maxjarrada Xoolaha Ee Berbera
Berbera 08. April 2017 (SDN/QJ):-Waddanka Sucuudiga ayaa wafti dhakhaatiira u soo diray Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo ujeedada waftigani ay u soo direena ay tahay sidii ay baadhitaan caafimaad iyo kormeerba ugu sameynn lahaayeen maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo ee u yaala magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil
Waftigan dhakhaatiirta ah oo ka soo degay garoonka diyaaraha ee Cigaal ayaa bookhasho indha indheyn ah ku tagay wasaarada xanaanadda xoolaha, iyaga oo intaas kadibna u dhaafay dhanka magaala madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.
Waxaana socdaalka waftigani Berbera ku tageen qayb ka ahaa masuuliyiinta wasaarada xanaanada xoolaha iyo duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin
Wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Cali Maxamed Cilmi ayaa sheegay in marka ay noqdaan laga yaabo in dib leynoogu furo xoolaha
Duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa hadalo soo dhaweyn iyo mahad-naqa u jeediyay waftigan dhakhaatiirta “Dhakhaatiir ka socda Sucuudiga oo ay wado wasaarada xanaanada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan leeyahay ku soo dhawaada magaalada Berbera Insha Allahu waxaan rajeyneynaa inay wax wanaagsan inala qaban doonaan”
Wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cali Maxamed Cilmi oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay baadhitaan ku sameyn doonaan sona kormeeri doonaan maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo ee ku yaala gudaha magaalada Berbera “Dhakhaatiir ka socota dalka aynu walaalaha nahay ee Sucuudiga eegi doontana dhammaan maxjarada dalka oo dhan ka furan, iyaga oo eegi doona in oo eegi doonaa in ay heerka caalamka waafaqsan yihiin iyo in kale, waxaananu ku rajo weynahay marka ay noqdaan in xooluhu inoo furmi doonaan, bushaaradaasi ayaanu dadweynaha reer Somaliland u sheegaynaa”
Wasiirul-dawlaha wasaarada xanaanadda xoolaha mudane Cabdirashiid Riyo Raac oo isaguna goobtaasi ka hadley ayaa xusay inay ay rajo weyn ka qabaan in baadhitaan kadib la fasaxo hakadkii ku yimid dhoofka xoolaha “aad iyo aad ayaanu ugu mahad-celineynaa dawlada Sucuudiga iyo shacabkooda iyo dhammaan dhakhaatiirtan, xaqiiqo raadintaasi kadib waxaanu rajeynaynaa in xoolaheena si dhakhso ah loo furo, dhakhaatirtani maalinkii shalay ahaa ayay magaalada Hargeysa yimaadeen iyaga oo nagu soo booqday xarunta wasaarada xanaanada xoolaha, intaas kadibna waa ay gudbi doonaan, xooluhuna waa ay inoo furmayaan sideedabana waa ay caafimaad qabeen, ujeedada socdaalkooduna waa sidii ay hubin lahaayeen caafimaadka xoolaheena anaguna waanu uga mahad celineynaa qaran ahaan”