“Aniga Oo Aan Wali Xisbigii La Wareegin, Mararka Aanu Xafladaha Iskugu Nimaadno, Waxaad Ka Garataan Sida…..” Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani
London 09. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka hadlay warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay musharaxa xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isaga oo ku sugan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska ayaa sidoo kale ka war bixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu Ingiriiska ku sugnaa.
Ugu horayn xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlaya wararka sheegaya inay is khilaafeen murashax Cirro ayaa waxa uu yidhi “Madaxda xisbiga ayaan ka mid ahay, hogaanka mustaqbalka ee xisbigana waan ahay, Cabdiraxmaana wada shaqayn aad u fiican ayaa naga dhaxaysa, waxaanad ka aragtaan mararka aanu shirarka iyo xafladaha iskugu nimaadno, sidee ayey u dhici kartaa arintaas aniga oo aan wali xisbigii la wareegin, xisbigana waxaan la wareegayaa marka uu Cabdiraxmaan madaxweyne noqdo wax aanu isku haynaana ma jirto waxaanu ku hawlanahay sidii aanu u soo saari lahayn musharaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo aanu ku dedaalayno sidii uu dalka madaxweyne uga noqon lahaa, wararkaasna waxa wada dad muraad leh, wax kale ayaana lagu ololeeyaa laakiin ragbaa is haya wax lagu ololeyo maaha, maxaanu isku qaban karnaa Cirro,dooni ayaanu wada saaranahay oo waanu wada guulaysanaynaa ama waanu wada guul daraysanaynaa markaa wax laysku qabsadaaba ma jiraan, muraadka kaliya ee xisbigu leeyahay waa sidii uu doorashada ugu guulaysan lahaa taas ayaanu dhamaantayo u wada xaydanahay waxa kale oo dhamina taas ayuunbay la xidhiidhaa, xidhiidhkayaguna waa 100% aniga, Ciro, Xirsi, musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga iyo madaxda kale ee xisbigaba.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka jawaabaya su,aal nuxurkeedu ahaa waxa uu ku qancinayo dadka dhaliilsan doorkii uu ku lahaa xisbiga iyo shirarkii muhiimka ahaa ee ka dhacay Nairobi oo uu ka maqnaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Markii ay Nairobi tageen hawlo xisbigu leeyahay ayaan u joogay Ingiriiska, shirarna waan qabanayey oo dhawr magaalo ayaan shirar ku qabtay, waxaan la shiray laamaha xisbiga iyo guddida fulinta, waxa kale oo aan shirar la yeelanayey taageerayaasha xisbiga ee ka soo jeeda gobolka Hawd, markii ay Nairobi tageen way ila soo hadleen waxaanay igu yidhaahdeen noo kaalay markaa waxaan ku idhi ma soo bixi karo ee hawshaas wada, markaa anigu hawlaha xisbiga ayaan Ingiriiska ka waday ee wax aan ka hadhay ama layga reebay may ahayn shirarkii Nairobi.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Markii ay ingiriiska yimaadeen waan u tagay shirarkiina waan kala wada qayb galay, markii aanu tagaynay baarlamaanka Yurubna waan wada soconay markaa hawsha waanu wada wadnaa, markii ay Yurub tagayeen ayaan anigu uga hadhay hawlo ii gaar ah laakiin waxa raacay ragii kale oo dhan, aniguna hore ayaan u soo maray wadamadaas aniga oo danaha xisbiga ah wada.” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka waramaya waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu ku sugnaa wadanka Ingiriiska ayaa waxa uu yidhi “Laamahan dardar gelintoodii ayaan ka shaqaynayey, shirkii ugu horeeyeyna waxaan la qaatay guddida fulinta xisbiga ee dalka Ingiriiska, magaalada Manchester-na xaflado ayaan kaga qayb galay, waxa kale oo aan la kulmay taageerayaasha xisbiga ee ka soo jeeda gobolada Hawd, Hargeysa, Oodweyne, Togdheer, Daad Madheedh iyo Saaxil, waxaanan ka wada hadalnay sidii abaaraha loogu gurman lahaa iyo sidii asxaabta loo tababari lahaa anaga oo kulan la qaadanay hay’addo arimahaas ka shaqeeya, markaa hawlahaas ayaa noo qabsoomay gaba gabadiina waata halkan layskugu yimid markaa dar dar gelintii xisbiga ayaanu wadnay.”
Ugu dambayn xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu ka hadlay wakhtiga uu dalka ku soo laaban doono waxaanu yidhi “Waxaan la soo noqonayaa weftiga xisbiga, marka ay hawlaha xisbiga soo dhameeyaan Ingiriiska ayey ku soo laabanayaan halkaas oo aanu iska soo wada raaci doono.”