|

Madaxweynihii Hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo Codsi gaar ah u diray Dowlada Maraykanka

Ankara 09. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay amar uu dhawaan bixiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, amarkaa uu ku fasaxay in la weeraro xarumaha Al Shabaab ee kuyaala Soomaaliya

Waxa uu ka codsaday Xasan Sheekh Maxamuud Dowlada Mareykanka in ay feejignaan dheeri ah ka yeeshaan weerarada ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab in ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ku agnool.

 

Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeys laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka hadlay qorshaha ay dowlada Mareykanka ku fasaxday in la weeraro Al Shabaab, waxa uuna Madaxweynaha ka digay in weerarada Al Shabaab lala beegsanayo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah.

 

”Waxaan u sheegayaa Dowlada Mareykanka in ay ka foojignaadaan weerarada ay la beegsaneyso kooxda Al Shabaab in dhibaato ay kasoo gaarto dadka shacabka ah, hadii ay shacabku dhibaato kasoo gaarto Weerarada Mareykanka taasi waxa ay keeneysaa in dhalinyaro hor leh ku biiraan kooxda Al Shabaab” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan ogolaaday in ciidankiisa ay weeraro xoog leh ku qaadi karaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana jira cabsi laga qabo in Weerarada laga yaabo in Mareykanku qaado ay waxyeelo kasoo gaarto shacabka.

 

Dowlada Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka fulisay weeraro lagu dilay Xubno sar sare oo katirsan Al Shabaab uu ku jiro amiirkii kooxdaasi intii uu talada dalka Soomaaliya hayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments are closed