La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Doorashooyinka Mr Jawaan oo Ka Soo Hor Jeestay Gudi Musdanbeed ah oo Madaxweynuhu u Samaynayo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka DAAWO
Hargaysa 07. April 2017 (SDN/QJ):- La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dhinaca Doorashooyinka C.laahi X.Cumar (C.laahi Jawaan) ayaa Sheegay inuu ka soo Hor Jeedo Gudi uu Madaxweyne Siilaanyo Iclaamiyey inuu ka dhigayo Musdanbeedka Komiishanka Doorashooyinka qaranka.
Waxa uu La Taliyuhu Sheegay in Macnaha Erayga Mus danbeed uu dabada ku hayo Qabyaalad iyo Beelo Waxaanu Ku taliyey in Komiishanka Doorashooyinka faraha looga qaado hawsha ay u Igman Yihiin ee Garsoorka doorashada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa dhawaan Sheegay inuu Magacaabi doono Gudi Musdanbeed u noqota Komiishanka Doorashooyinka qaranka gudidaas oo noqonaysa tii Kowaad ee Komiishanka loo Sameeyo tan iyo intii ay Somaliland qaadatay Hanaanka Doorashooyinka Xorta ah.
Sidoo Kale Xeerarka uu Ku dhisan Yahay Komiishanka Doorashooyinku kuma Jirto inuu Yeesho Gudi Musdanbeed ah,Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Isagu ka soo hor jeestay abuurista guddidan,halka Xisbiga Ucid uu sheegay inuu Ogol Yahay.
Hadaba Waxaan Halkan idiinku Soo Gudbinaynaa Mawqifka La taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Doorashada C.laahi X.Cumar (C.laahi Jawaan) uu ka Istaagay Samaynta Gudidan.