|

Suldaan Gacan Ku Rimis ah oo Gudoomiye Muuse Biixi Samaystay oo Ka Dhiidhiyey Saldhiga Mileteri ee Berbera,Fariina u diray Safiirka Somaliland ee Imaaraadka DAAWO

Hargaysa 07. April 2017 (SDN/QJ):-Mid ka mid ah Salaadiinta Samayska ah ee loo samaystey danaha dhinaca siyaasada Beelaha Subeer Awal ahna Suldaankii uu badhtamihii sanadkii aan ka soo gudubney uu caleemo Saarey Muuse Biix Cabdi ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska dawlada Imaaraatka carabta lagaga kireeyey Madaarka Magaalada Berbera.

Suldaanka gacan ku rimiska ah oo magaciisa la yidhaa Maxamed Axmed Suldaan C/raxmaan ayaa waxa uu fariin hawada u mariyey Baashe Cawil oo ah Safiirka Somaliland ee Imaaraadka isla markaana hormuudka u ah dhaq dhaqaaqyada ay dawlada imaaraatku ka wado Somaliland.

 

Suldaanka ayaa waxa uuu sheegey in ragii hormuudka u ahaa saxeexa saldhiga iyo Xukumada Somaliland looga baahan yahay in ay u cadeeyaan bulshada faa,iidada ugu jirta saldhigaasi hadii kale dalka laga joojiyo in saldhigaasi laga kireeyo Imaaraatka Carabta.

Comments are closed