|

Cudurka Shuban-biyoodka Ah Oo Ku Fiday Deegaannada Taleex, Xuddun & Dr. Galaydh Oo Sheegay In Soddomeeye Ruux U Dhinteen Iyo Gaabiska Wasaaradda caafimaadka DAAWO

Buuhoodle 07. April 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay Cudurka Shuban-biyoodka oo Faro-baas ku haya Dadka ku dhaqan deegaannada Buuhoodle, Taleex, Xuddun iyo Deegaanno ka mid ah Killilka Shanaad ee Itoobiya oo Xuduud la leh Buuhoodle.

Cali Khaliif Galaydh oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in Magaalada Buuhoodle uu Cudurka Shuban-biyoodku ku dilay dad gaadhaya 15 Qof, deegaanka Xudayo oo Gudaha Killilka Shanaad ahna uu ku dilay Dhowr iyo Toban Qof.

Sidoo kale, Mr. Galaydh wuxuu ka deyriyey Xaaladda Degmooyinka Taleex iyo Xuddun oo uu sheegay in Xanuunkani gaadhay.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Cudurku wuxuu ka dillaacay Buuhoodle, Deegaanka Xudayo oo Kililka Shannaad ah, waxa Buuhoodle ku dhintay 15 Qof, Aagga Xudayo waxa ku dhintay Dhowr iyo Toban Qof, Deegaanka Marqaan waxaanu maqlaynaa inay illaa Saddex Qof ku dhinteen. Waxa kale oo la sheegayaa inuu Xanuunka Shuban-biyoodku gaadhay Xuddun iyo Taleex.”

Galaydh waxa kale oo uu sheegay “Xanuunkani wuxuu yimaaddaa marka Dadka oo aan wax nafaqo leh hore u Cunin ee ay Wax cunaan ama wax Cabbaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dadka Xuddun iyo Taleex ku dhaqan ay hore u cabbi jireen Biyo Macaan, laakiin ay hadda isticmaalaan Biyo looga keeno deegaanno kale, taasina ay qayb ka tahay Xanuunkan, “Dadka Hawdku berigii hore waxay u barteen Biyo Macaan, laakiin Biyaha Dadka looga keeno Riiggaga Oogadu Dadka iyo Xoolahaba way dhibayaan. ILAAHAY waxaanu ka baryeynaa inuu Dadkaa Caafimaad siiyo.”

Cali Khaliif Galaydh, wuxuu u Mahad-naqay Kooxo Caafimaad oo Hargeysa, Garoowe iyo Boorama ka tagay si ugu gurmadaan Dadka Xanuunka Shuban-biyoodku soo ritay.

Comments are closed