|

Sidee Muqdisho looga dareemay Magacaabista Taliyaasha Cusub iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir?

Muqdisho 07. April 2017 (SDN/QJ):- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilka looga qaaday Taliyaashii Ciidanka Booliiska, Nabad Sugida, Milatariga iyo Gudoomiyihii gobolka Banaadir.

Xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, waxaana fadhi ku dirirka goobaha dadku isugu yimaadaan qabsaday isbadalka lagu sameeyay Taliyaasha ciidanka iyo maamulka gobolka Banaadir.

 

Inta badan Shacabka Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay isbadalka lagu sameeyay Taliyaasha ciidanka dowlada gaar ahaan Nabad Sugida, Booliiska iyo Milatariga iyo isbadalka isna lagu sameeyay maamulka gobolka Banaadir.

 

Dad badan oo aragtiyo ka dhiibtay isbadalkan dhacay ayaa sheegay in muhiim ay aheed in xil ka qaadistan uu sameeyay Madaxweynaha , waxa ayna shacabku rajo weyn ka qabaan in taliyaashan cusub la yimaadaan isbadal deg deg oo wax looga qabanayo amaan darida Caasimada.

 

Isbadalka lagu sameeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shacabka Muqdisho ka dhiibteen aragtiyo kala duwan, waxa ayna dadka qaar soo dhaweeyeen isbadalkan cusub iyagoona tilmaamay in rajeenayaan maamulka cusub uu wax qabad muuqda la imaan doono.

 

Taliyaasha Ciidanka Nabad Sugida, Booliiska iyo Milatariga ee la magacabay ayaa ah taliyaal horey xilalkaasi usoo qabtay una soo shaqeeyay, waxa ayna Shacabku Muqdisho sheegeen in saraaaiishan looga fadhiyo in isbadal deg deg ah la yimaadaan.

Comments are closed