Lacag Hal Dollar Ah Oo La Soo Saaray Sanadkii 1804 Oo Haatan Lagu Iibiyay Lacag Dhan 3.3 Millyan Oo Dollar !
New York 07. April 2017 (SDN/QJ):- Dollarka Maraykanku waa Lacagta Rasmiga ah ee laga isticmaalo Dalka Maraykanka iyo Dalal badan oo Adduunka ka mid ah, balse waxa dhacday maalintii sabtidii ee toddobaadkan arrin aad u layaab badan kadib markii lagu soo bandhigay Gobolka Maryland ee Dalkaasi Maraykanka Lacag Hal Dollar aheyd oo la soo saaray Sanadkii 1804 loo soo bandhigay Iib.
Waxa kale oo ka sii layaab badan in Halkaasi Dollar uu hal qof oo kaliya ahi iibsan kari waayay, balse ay wada iibsadeen laba Nin oo magacyadooda la kala yidhaahdo Keven Lipton oo ka soo jeeda Gobolka California iyo sidoo kale John Albanese oo isna ka soo jeeda Gobolka New Jersey, iyagoo u wadaagey Iibsiga halkaasi dollar ee taariikhiga ah qiimaha lagu soo bandhigay oo aad u sareeyay, had iyo jeer adduunka wax qiimo aad u sareeyo lagu iibsada waxyaabaha taariikhiga ah isla markaana dhaxal galka ah ee iibka loo soo bandhigo waana arrin ay shucuubta Calaamku aad u qadariyaan oo qof kastaa u tartamo sidii uu u heli lahaa.