Suuriya : Magaca Dhabta Ah Ee Duuliyihii Waday Diyaaradii Gumaadka Ka Geysatay Magaalada Khan Sheikhan !
Dimishiq 07. April 2017 (SDN/QJ):- Run ahaantii waxa ka taagan Dalka Suuriya dhibaatooyin aad u badan oo soo socday muddo 6 sano ah, kuwaasi oo ay dad aad u tiro badani ku naf waayeen, kuwana dhaawacyo iyo barakac ka soo gaadhay.
Arrin aad u naxdin badan oo murrugo xambaarsan ayey noqotay in duqaymaha dhinaca Cirka ee lagula kaco Dadka Rayidka ah ee ku nool Dalkaasi, waxaanay dadkaasi ku dhimanayaan geeri mag la’aan ah iyaga oo aan marnaba ogeyn sababta loo dilay.
Waxa kale oo arrintaasi ka sii darran in dadkaasi loo adeegsado Sun aad u hallis oo aan la ogolayn in Dadka rayidka ah lagu ruusheeyo, balse qaylo dhaanta ka yeedhaysa shacabka Dalkaasi ayaanay wali wax jawaab ah ka helin Beesha Caalamka.
Haddaba, Ninkii fuliyay Duqayntii ugu danbaysay ee lagula kacay dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa Magaalada Khan Sheikhan ee Dalka Suuriya ayaa waxay Muwaadiniinta Dalkaasi ku soo bandhigeen Baraha Bulshada, iyagoo magaciisa ku sheegey in la yidhaa Colonel Maxamed Yusuf Xaasuuri, oo ah duuliye ka mid ah ciidammada cirka ee Dalkaasi Suuriya ilaa iyo haatana lama garanayo sababta Nidaamka Madaxweyne Asad ku kaliftay inuu shacabkiisa ku laayo hub Chemical-ah oo gummaadaya oo kaga tagaya raad aan cidhibtiisa la mahadinayn.