|

Qoyska Ugu Badan Dalka Britain Oo U Dabaal Dagaya Ilmahoodii 20aad Oo U Calool Galay !

London 07. April 2017 (SDN/QJ):- Qoyska ugu ballaadhan isla markaana ugu tiro badan qoys ahaan Dalka Britain ayaa waxay u dabaal dageen in ilmihii 20aad uu u calool galay, arrintaasi oo farxad galisay Aabaha iyo Hooyada iyo waliba 19ka carruurta ah ee ay dhaleen labadaasi waalid.

Hooyada dhashay ubadkan 19ka ah ee haatana uurka ku sida ilmihii 20aad oo magaceeda la yidhaahdo Seo Watford oo Da’deedu tahay 41 jir iyo Saygeeda ay isku dhalleen ubadkan ayaa waxay ku nool yihiin Magaalada Lancashire ee Dalkaasi Britain, kuwaasoo jabiyey hab dhaqankii ahaa in la tiro koobo dhalmada isla markaana aanay dhallin Karin laba wax ka badan sida ay u badan yihiin Dadka u dhashay guud ahaan qaaradaasi Yurub, balse lammaanahan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ubadka ay dhaleen iyo waliba ilmaha u soo socda ee ay sugayaan, waxaana xusid mudan in hooyadan la guursaday iyada oo 14 jir ah, ilmaha ay ku curatayna uu yahay 27 jir.

Sidoo kale hooyadan ayaa wareysi ay siisay Dail Mail waxa ay ku tidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in tirada ubadka aan dhalay ay tahay tiro Dhaban ah aad ayaanan u necebahay tirada Kinsiga ah”, qoyskan ayaa waxay dhammaantood ku wada nool yihiin hal guri wax caawimo ahna kama helaan Dawladda Dalka Britain, laakiin Aabaha Qoyskan ayaa waxa uu leeyahay Moofo soo saarta Roodhida, halka hooyaduna dhinaceeda ka shaqo tagto masaariifta ku baxda qoyskanina ay tahay lacag dhan 3o kun oo Euro, waxaanay sheegeen in aanay dhib iyo culeys midna dareemin.

Comments are closed