Hoggaamiyaha WADDANI Oo Is-barbar-dhigay Dhaqaalaha Laga Qaado Dawladaha Saldhigyada Ku Leh Jabuuti & Lacagta Lagu Kireeyey Saldhigga Berbera DAAWO
Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax laga waydiiyey sida uu u arko Heshiiska Dawladda Somaliland la saxeexatay Dawladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Milletariga ee Magaalada Berbera.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xilligan ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa isagoo ku sugan Dalka Jarmalka waxa Wareysi la yeeshay Telefiishanka HCTV, waxaana wax laga waydiiyey Heshiiska Imaaraadku uu Saldhigga kaga samaysanayo Magaalada Berbera, ayaa sheegay in Xisbi ahaan aanay ka soo horjeedin in Dawladdu Heshiis la gasho Dawladda Imaaraadka, laakiin aanay diiddan yihiin nidaamka ay Dawladdu u martay Sharciyeyntiisa, isagoo xusay in Xukuumaddu ay Baarlamaanka geysay wax lagu sheegay Nuxur, kiina ay si jujuub ah uga ansixisay Baarlamaanka, laakiin markii dambe Heshiiska lagu galay Dalka Imaaraadka.
Xirsi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu diiddanahay maaha in Dawladdeennu Cid heshiis geli karto, Dawladdu heshiis way la geli kartaa, laakiin Heshiiska ay gasho ayuun baa loo baahan yahay in la mariyo Baarlamaanka oo si dimuqraadiya loo mariyo oo loo codeeyo. Imika iyadoon Heshiis la gelin baa la keenay Waraaqo lagu sheegay Nuxur, oo heshiiskii lama keenin Baarlamaanka, kii la keenayna maaha in la jujuubo oo Baarlamaanka Afka la qabtee waxay ahayd in Xildhibaan kastaa ka doodo, markaa Aqlabiyad ayay sheeganayeen hadday Aqlabiyad haystaan in sidaa lagu ansixiyo ayay ahayd, in Xildhibaannada la tuur-tuuro maaha oo Askar loo dhiibo.”
Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu sheegay in waxa kale ee ay diiddan yihiin tahay Dhaqaalaha la sheegay in Imaaraadka lagaga kireeyay Saldhigga Berbera, “Waxa kale oo aanu diiddanayn Dhaqaalaha la sheegay ee la yidhi Milyan iyo laba Boqol baa Sannadkii laga qaadayaa, waxaanu lahayn waar Dhaqaale Dalkeena Anfaca haddaynu Cid ka kireynayno ama Cid Siyaasiyan ina Anfacda oo wax innagu biirin karaysa (La heshiiy). Hadday imika yihiin Dawladaha waaweyn ee Caalamiga ah ee wax innagu biirin karaya yihiin waa Macne, haddaynu Carab ka kireynayo Annagu Imaaraadka Gaar uma diiddanin ee haddaynu kireynayno Dhaqaale Dalkeenna Anfaca (aynu kaga kireyno) Milyan iyo laba Boqol waxba kama dawo aha’e, sida kuwa Jabuuti oo kale, Waayo? kuwa Jabuuti qaar Lixdan Milyan baa laga qaadaa, qaar boqol Milyan baa laga qaadaa, qaar 70 Milyan baa laga qaadaa Sannadkii Markaa waxaanu leenahay waar Waxeenna aynu Qiimo u yeelno oo yaynaan ka Cararrin.”