|

Puntland Oo Ka Hadashay Lacag Aan La Shaacin Oo Dawladda Muqdisho U Qaybisay Somaliland Iyo Maamullada Dalka Soomaaliya

Garoowe 06. April 2017 (SDN/QJ):- Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aanay sidii loogu talo-galay u qaybin Deeq Lacag ah oo loogu talo-galay Gurmadka Abaaraha ka jira Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Lacag dhan 200,000 kun oo dollar ku wareejisay Somaliland taasi oo loogu talo-galay Gurmadka Abaaraha, halka Puntland la siiyey 150,000 kun oo dollar, isagoo xusay in aanay taasi xaq ahayn, isagoo ku dooday in Puntland ay ku soo qaxeen Dad ka hayaamay Abaaraha Somaliland, Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo deegaanno kale isla-markaana culays gaar ahi saaran yahay.

“Dowladda Federaalka suurta gal maaha in dhaqaale badan inay siiso kuwa (Maamullada) naga dad yar, naga dhul yar, hore ayaa u sheegay oo dowladda Farmaajo waxay heysaa waddadii tii hore, ummadda waxa la idinku dhiibay Koofurta iyo Bartamaha kaliya ma lahan, waa in aad si cadaalad ah ugu qeybisaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ka war-hayaa in Somaliland la siiyey Lacag dhan 200,000 kun oo Dollar, Puntland-na la siiyey 150,000 kun oo dollar dhawaan, waar Anigii afarta Quruumood igu soo qaxeen inaad 150,000 kun i siisaan waxaan u arkaa in aanay Caddaalad ahayn.”

Lacagta Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland sheegay in Dawladda Federaalku u qabisay Somaliland iyo Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay tahay Lacag Qaadhaan-bixiyeyaashu ugu talo-galeen Gurmadka Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo bariga Somaliland.

Dawladda Somaliland iyo Guddida Qaran ee Gurmadka Abaarta, ayaan midkoodna ka hadal Lacagtan la weriyey in Soomaaliya soo gaadhsiiyey.

Comments are closed