Marxaladihii Loo Soo Maray Sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland u Heli Lahayd Manhaj u Gaar ah oo ardaydeedda Wax lagu Baro & Dadaalo Mudo Kooban lagu Najaxay
Hargaysa 05. April 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha Xarunta Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Yaasiin Diiriye Waa Mid ka Mid ah Tiirarka doorka Weyn ka soo qaatay horumarka Waxbarashadda Iyo Sidii uu dalkani u Yeelan lahaa Manhaj Waxbarasho oo u gaar ah Isla markaana uu kaga duwan yahay Waddamada Kale ee Dunnida.
Cabdilaahi Yaasiin Diiriye Wuxuu Xogwaran Dhinacyo badan leh Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinkaaga Danta Guud Waxa weyn ka soo qabtay Rubuc Qarnigii Tegay ee uu soo agaasimo Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin, Waxaanu ugu Horayn C.laahi Yaasiin ka Jawaabay Halkii uu ku dhashay, Goobihii uu ku soo barbaaray ee uu Waxbarashadiisa ku soo qaatay iyo Deegaanadii uu ka soo Shaqeeyay ayaa Waxa uu Yidhi ‘’Waxaan Ku dhashay Degmadda Sheekh ee Gobolka Saaxil,Halkaas Ayaan ka galay Dugsiyadda Hoose,Dhexe iyo Sare Markii aan ka baxay Dugsiga Sare Waxaan toos u galay Kuliyadii Waxbarashadda ee Lafoole Taas oo lagu Tababari Jiray Macallimiinta Wax ka dhiga Dugsiyadda Waxbarasho,Waxaan Jaamacadii Lafoole ka baxay Sannadkii 1972-kii Waxaan si Toos ah ugu Biiray Wasaaraddii Waxbarashadda ee Dalkii la isku odhan Jiray Somalia,Waxaan halkaas ka soo qabtay Xilal kala Duwan oo Isugu Jiray Macallinimo,Maamule-nimo,Anigoo Maamule ka noqday Dugsigii Xalane ee Macallimiinta Lagu Tababari Jiray Waxaan Markaas kadib u soo Wareegay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada oo aan Noqday Kormeere Guud oo u Xilsaaran qaar ka mid ahaa Goboladii Xiligaas,Waxaan Mar kale dib ugu noqday Wasaaradii Waxbarashadda Waxaana la ii Magacaabay Madaxa Qaybta Dugsiyadda Aasaasiga ah ee Wasaaradii Waxbarashadda Somalia, Waxaan Gudoomiye Waxbarasho ka soo noqday Gobolada Mudug,Shabeelada Dhexe iyo Magaaladda Muqdisho iyadoo ay Xiligaas burburtay Dawladii Siyaad Barre, Waxaan Sannadkii 1992kii aan Toos uga hawl galay Wasaaradda Waxbarashadda ee Somaliland,Waxaana la ii dhiibay Xafiiskan aan Maanta Joogo ee Manaahiijta Sannadkii 1955-kii kaas oo Ilaa haatan aan Madax ka ahay’’
Cabdilaahi Yaasiin Diiriye Agaasimaha Xarunta Manaahiijta Somaliland waxa uu ka hadlay dadaalkii ay u soo galeen Sidii ay Somaliland u Yeelan lahayd Manhaj u Gaar ah oo ardaydeeda wax lagu baro Kaas oo aqoon yahan Tiro badan oo dalka u dhashay ay kala Shaqeeyeen Isla Markaana Maanta Guul dhaxal gal ah laga Joogo Isagoo arrintaas faahfaahinaya waxa uu Yidhi ‘’Run ahaantii Far Keliyi Fool ma dhaqdo ayay Soomaalidu ku Maahmaahdaa Aqoon yahano aad u badan iyo Madaxdda Wasaaradda laga soo bilaabo Marwo SamSam Cabdi Aadan (Wasiirka haatan ee Maaliyadda) Ex Wasiir Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka haatan ee Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane ayaa run ahaantii Dhiirigelinta hawshan lahaa anaga doorkayagu wuxuu ahaa Mid Farsamo Balse Waxaan aad iyo aad ugu Mahadcelinayaa Aqoon yahanadii Wasiirka hortiisa kaga balan qaaday inay si iskaa wax u qabso ah Ubadkooda u samaynayaan Manhaj Waxbarasho iyo Buugaag la soo daabaco Iyadoo aanay Weligeed hore u dhicin in Dugsiyadda Sare ee Somaliland ay Helaan Buugaag Manhaj u ah oo ay raacaan Marka laga soo tago Midhadh faro ku tiris ah oo laga soo iibiyo Kenya, Uganda iyo Ingiriiska Kuwaas oo ahaa Nuqulo’’
Agaasime C.laahi Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii hore in Hay’adaha Caalamiga ahi ay Ka Caawin Jireen Buugaagta Dugsiyada hoose iyo dhexe balse taasi may Kafaynayn baahidii taalay Sida uu Xusay Waxaana dhici Jirtay ayuu Yidhi in halkii Xidhmo ay Toban arday qaybsan Jirtay.
Agaasimaha Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashadu Waxa uu ka hadlay Sidii ay ku diyaariyeen Manhajka Dugsiyadda Sare iyo Kuwa Hoose/Dhexe iyo Tirada ay soo Saareen Isagoo Yidhi ‘’Mudo Sadex Bilood ku siman ayaanu ku diyaarinay 95 Buug oo 55 ka Mid ahi ay Yihiin Kuwa Dugsiyadda Hoose/Dhexe,iyo 40 Buug oo Dugsiyada Sare ay lahaayeen Kuwaas oo si Wanaagsan loo Tifaftiray Dadaal badana la Geliyey,Markii Buugaagtaasi soo baxeen waxa uu Ilaahay inagu Kaalmeeyay Dhallinyaro Somaliland ah oo Ku balanqaaday inay iyagu Maalgelinayaan Isla markaana u soo daabacayaan Ubadka Somaliland Buugaagta Manhajka Waxayna Dhallintaasi ku Bahoobeen Urur Samo fa loo la Yidhaa Heema, Waxaan Odhan Karaa Ururka Heema way inooga Hiiliyeen Hay’adihii Gacantooda aan lagu haqab beeli jirin ee Shisheeye,Waayo Mudo Bil Gudaheed ah ayay Madbacad ku taala Dubai inoo Xidheen si Buugaagteena loogu daabaco Ilaahay Wuu Ku Guuleeyay,Ugu yaraan 40 Konteenar oo Buugaag ah ayay Dekedda Berbera ka soo Dejiyeen Kuwaas oo Tayadoodu aad u Saraysay, Soo Dejinta iyo Daabacaada kumay Joojin ee Waxay Sameeyeen inay geeyaan Deegaan kasta oo Somaliland ah,Iyadoo Wasaaradda Waxbarashaduna arrintaas ku Siisay amar qoraal ah iyo Mid Heshiis Labadaba,Inagoo og in Dadkeenu danyar yahay ayaanu isku raacnay inaan Hal dollar iyo 7 Sent (1.7 Dollar) wax ka badan aanay kaga iibin buugaagta ,Halka Buugaagta Dugsiyada Sarena aanu Isku Waafaqnay inaanay 3 Dollar wax ka badan kaga Iibin Karin, Arrintaasina si Fiican ayay u Shaqaysay’’ ayuu Yidhi Agaasimaha Xarunta Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland.