|

Wasiirka Cusub ee Amniga ee Dawlada Federaalka Somalia oo soo Bandhigay Qorshayaal uu Wax kaga qabanayo amniga Muqdisho

Muqdisho 05. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka cusub ee Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaarada Amniga Gudaha kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabada uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee Amniga gudaha waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamd Guuleed, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo taliyaasha ciidamada Nabad sugida iyo Booliiska.

 

Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa soo bandhigay qorshayaal cusub uu doonayo in lagu xasiliyo amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

 

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in wasiiradiisa ay qaadi doonto talaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo amniga Caasimada oo mudooyinkii dambe falalka amaan daro kusii kordheen, waxa uuna sheegay in talaabo adag laga qaadi doono kooxaha falalka amaan daro ku howlan.

 

”Waxaa noo qorsheesan oon la imaan doonaa tilaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo amniga laguna xaslinayo caasimada iyo guud ahaan dalka, waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada lamarin habaabiyay in ay kasoo laabtana fikirka qaldan ” Ayuu yiri Wasiir Ducaale.

 

Wasiirka Amniga gudaha ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ay abaal marin doonto qofkii soo sheega dadka u shaqeeya Al Shabaab ee ku howlan falalka amaan daro, waxa uuna cadeeyay in la qarin doono xogta dadka soo sheega Al Shabaab iyo goobaha lagu abaabulo qaraxyada iyo dialka.

 

Waxaa laga dhursugaya isbadalka uu la imaan doono Wasiirka cusub ee Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya , waxaana dad badan ay qabaan hadii wasaarada ay isbadal ku sameyso taliyaasha ciidanka lana howl galiyo saraakiil khibrad leh in uu isbadal muuqda imaan karo.

Comments are closed