Wasiiro iyo Xildhibaano Oo Loogu Baaqay In Ay Usoo Diyaar Garoobaan Dagaal Ka Dhan Ah Al Shabaab
Kismaayo 05. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamulka Jubbbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iyo Wasiirada maamulkiisa in ay usoo diyaar garoobana dagaal Al Shabaab looga xureenayo deegaanada Jubooyinka.
Axmed Madoobe oo shalay hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in muhiim tahay in loo diyaar garoobo dagala xoogan oo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka maamulaan Jubbaland.
”Waxaa muhiim ah Xildhibaanadiida iyo Wasiirada in ay soo qaataan dareeska ciidanla ayna usoo diyaar garoobaan dagaal aan Al Shabaab uga saareyno deegaanada Jubbaland, anigu waan aqaan sida dagaal loo hogaamiyo horey ayaana dagaalo badan usoo galay ” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Maamulka Jubbaland ayaa marar badan ku hanjabay in dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka bilaabayaan deegaanada Jubooyinka iyo Gedo, Al Shabaab ayaana gacanta ku haysa guud ahaan gobolka Jubada Dhaxe iyo deegaano iyo degmooyin kale oo katirsan Gedo iyo Jubada Hoose.