Madaxweyne Siilaanyo oo 7 Sano Kadib Markii Kowaad Qasriga Madaxtooyadda Casuumad ugu Sameeyay Madaxweynihii Hore ee Daahir Rayaale SAWIRO/DAAWO
Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xalay kulan Casho sharafeed ku qaabiley Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelinaysay Marwadiisa Huda Barkhad Aadan.
Madaxweynaha Qaranka oo ay wehelinaysay Marwada Koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed Jirde, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Safiirka Somaliland u fadiya Imaaraadka, Amb Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo xubno kale.
Madaxweyne Silaanyo ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo wakhtigan dalka ku sugan.
Kulankan oo aan ahayn kii u horeeyey ee ay wada yeeshaan madaxweynaha hada tallada haya iyo madaxweynihii hore, tan iyo intii ay xilka la kala wareegeen dhamaadkii sanadkii 2010 kii.