Maamul Goboleedka Punt Land Oo Dhaliilo u Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo
Garowe 04. April 2017 (SDN/QJ):-Maamulka Puntland ayaa durba bilawday dhaliisha ay u jeediyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna markan dowlada cusub ku dhaliileyn in aysan si cadaalad ah u qeybin gar gaarka loogu tala galay dadka ay abaarta saameysay.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Camey oo Warbaahinta la hadlay ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in aysan si cadaalad ah u qeybin lacagahii loogu tala galay maamul goboleedyada dalka ee wax loogu qabanayay dadka ay abaartu waxyeeleysay.
Waxa uu sheegay Camey in maamulkiisi ka duwan yahay maamulada kale ee dalka ka jira, waxa uuna tilmaamay in dad kasoo jeeda afar maamul goboleed oo dalka ka jira ay usoo qaxeen dhinacooda uuna kusii kordhay culeeskii horey u jiray.
Mr Camey oo u muuqday mid saluugsan lacagdii deeqada aheed ee dhawaan gaarsiisay dowlada Soomaaliya maamulka Puntland ayaa sheegay in si cadaalad daro ah loo qeybiyay lacagtaasi, waxa uuna xusay in Somaliland la siiyay 200,000 oo dollar halka Puntland la siiyay 150,000 kun oo dollar
”Dowladda Farmaajo hogaamiyo waxay heysaa wadadii tii hore ee Xasan Sheekh , macquul maahan in lacag badan la siiyo kuwa naga dad yar oo naga dhul yar , waxaana ka codsaneynaa dowlada in ay si cadaalad ah wax u qeybiso” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.