Dawladda Imaarat-ka Carabta Oo Qorsheynaya In Ay Magaalada Berbera Keenaan 300 Oo Askari
Dubai 04. April 2017 (SDN/QJ):- Tiradda hor dhaca ah ee la filayo in dawladda imaaraatka carabtu ay doonayaan in ay keenaan magaaladda Berbera ayaa dibadda u soo baxday
waxaana la filayaa in ay keenaan ciidan hor dhac ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 300 oo askari kuwaas oo aan la hubin in ay yihiin askar u dhalatey dalka imaaraatka iyo in ay noqon doonaan askar imaaraatku qortay.
Tiraddani ciidan ayaa la filayaa haddii eebe idmo in la keeno kaddib marka wasiirka duulista iyo hawadda ee waddankaasi uu maanta oo uu socdaal ku imanayo magaalada Berbera uu ku qanco madaarkaasi.
Waxaana wararku u badan yihiin in bishan gudaheeda la keenayo ciidankan.