Somaliland oo Sii daysay 10 Maxbuus oo u Xidhnaa Fal Budhcad Baddeednimo una Dhashay Somalia
Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda caddaalada ee JSL ayaa amartay in la sii daayo maxaabiis budhcad badeednimo u xidhnaa oo u dhashay wadankaasi Soomaaliya, kuna xidhnaa dalkan JSL.
Sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda caddaalada Md: Axmed Faarax Cadare, warsaxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in maxaabiistan oo tiradoodu gaadhayso 10 maxbuus lagu hayey xabsiyada Somaliland, tan iyo sanadkii 2004, xiligaas oo laga keenay Jasiirada Sycles oo lagu soo xukumay.
Maxaabiistan oo dib loogun celiyey dalkoodii Soomaaliya waxa ay xabsiga Hargeysa ka heleen gacan qabasho iyo xanaanayn buuxda, iyagoo loo fuliyey barnaamijyo dhaqan celin ah farsamo gacmeed iyo waxbarasho kale, halka sidoo kalena la siiyey la talin caafimaad.
Warku Waxa uu intaas ku darayaa in Maxaabiistan la sii daayay ay Somaliland kala noqon doonaan Xirfado ay Noloshooda ku maareeyaan.