|

Wasaaradda Duulista Somaliland oo Kaashanaysa Hay’ada Africa Relief oo Kaalmo Raashin ah u Qaybiyey Qoysas Ku Nool Deegaanka Uubaale DAAWO

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ayaa Markii labaad u qaybisay Dadka Danyarta ah ee Ku dhaqan Deegaanka Uubaale Raashin deeq ah Kaas oo ay ka Faa’iidaysteen Boqol Qoys.

Kaalmadan Raashinka ah oo ay Ku deeqday Hay’ada “African Relief” Kadib Codsi ay Wasaaradda Duulistu u Gudbisay oo ku wajahan Sidii Gargaar loo Siin lahaa dadka ku dhaqan Xayndaabka Madaarka Caasimadda Hargaysa.

 

Munaasibada Qaybinta Raashinka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Dadka deegaanka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laahi Aadan  oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waxaada Mashaariicda Muuse Ibaraahim Yuusuf (Salaf) ,Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport  Maxamed Yuusuf Ismaaciil, iyo sidoo kale Salmaan Axmed Faarax oo ka socday “African Relief”.

 

 

Salman Axmed Faarax oo ka socday “African Relief” oo halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Kaalmadani ay ku timid dalab ka soo gaadhay Wasaaradda Duulista Hawadda.

Sidoo Kale Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda Cumar C.laahi Aadan oo Halkaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq u soo Jeediyey Hay’adda Deeqdan Raashinka ah Soo Gaadhsiisay.

Comments are closed