|

Dadka Britain Oo Ka Cabsi Qaba In Qiimaha Maceeshadu Korodho, Qiimaha Lacagtuna Hoos U Dhaco !

London 04. April 2017 (SDN/QJ):- Waxa aad u soo dhawaatay muddadii uu Dalka Britain si rasmi ah uga bixi lahaa Midawga Yurub, waxaana la filayaa in qiimaha Maceeshada ee Dalkaasi uu kor u kaco iyo in hoos u dhac laxaad leh uu ku yimaado Qiimaha Lacagta Dalkaasi.

Waxa kale oo arrin aad u layaab badan noqotay in Dadka ku dhaqan Dalkaasi ay aad u jecel yihiin Chocolate-ka lana filayo in qiimaha Macmacaanka gaar ahaan Chocollate-ku uu sii qaaliyoobo waxaana si toos ah u cadeeyay maamulaha Dalalka Waqooyiga Yurub ee  shirkada ku caan baxday samaynta cuntooyinka ee Mondelez Mr Glen Cutton, isaga oo wareysi uu siiyay Shabakada wararka ee The Guardian ku sheegay in shirkadu ay filayso in qiimaha Cuntooyinku ay kor u kacaan.

Waxa kale oo uu sheegay in arrinta Dadka aammineen ee ah in qiimaha Chocolate-ka oo aad looga jecel yahay Dalkaasi aanay waxba ka jirin sida ay shirkadu filayso, waxaanu yidhi Cutton “Arrinta ugu muhiimsan ee aan kaga hadli doono ka bixista Dalka Britain ee Qaarada Yurub ee loogu magac daray Breakest  waxay tahay in dhaqaalaha Dalku uu ahaado mid sugan iyo sidoo kale in aan la soo saari doonin Qaan-sheeg cusub oo culeys ku soo kordhisa shirkadaha, iyo in aan Cashuurta marnaba la kordhin”.

Balse ilaa iyo haatan ma jiraan Cadaymo sheegaya inay wax kastaaba sidoodii ahaan doonaan, laakiin dadka aadka u tirada badan ee jecel Chololate-ka ee ku dhaqan Dalkaasi ayaa ka cabsi qaba qiimaha nolosha ee la filayo inuu kor u kici doono marka uu Dalka Britain si toosa uga baxo Qaarada Yurub.

Comments are closed