|

Sun Uu Sii Daayo Nooc Ka Mid Ah Kalluunku Oo La Ogaaday Inay Tahay Xanuun Baabiiye !

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Dawada aynu u naqaano Anti-pain, haddii aad had iyo jeer u adeegsan jirtay inay kaa baabiiso xanuunka aad dareento waxay Khubaro ka socotay Dalalka Australia iyo Britain ay xaqiijiyeen in nooc ka mid ah Kalluunka oo magaciisa loo yaqaano Small Pliny uu sii daayo Sun, balse Suntaasi aanay ahayn mid khattar galinaysa nolosha qofka laakiin ay u noqon karto xanuun baabiiye Dabiici ah oo aan wax Chemical ahi ku jirin.

Kalluunkan ayaa sida ay khubaradani xaqiijiyeen waxa uu aad ugu badan yahay Goobaha uu ku badan yahay Dhagax Shacaabigu, kalluunkan ayaa waxay ku sheegeen dhererkiisa 4 ilaa iyo 7 Cm, balse waxa uu sii daaya sun uu isku difaaco marka ciddi soo weerarto.

Brain Fry oo ka mid ah Khubarada xaqiijisay arrintan ayaa waxa uu wareysi uu siiyay Majalada Curent Biological ee ka soo baxda Dalka Maraykanka uu ku yidhi “Kalluunkani waxa uu noqday kii ugu layaabka badnaa ee na soo maray intii aan wax baadhaynay waxaanu sii daynayaa sun ka duwan oo ka layaab badan suntii aynu u naqaanay ee Dadka waxyeelayn jirtay”.

Si kastaba ha ahaatee waa arrin ina tusinaysa awoodaha Ilaahay oo mudan in lagu cibro qaato.

Comments are closed