|

Wasiir Hore oo Ka Tirsanaa Dawladii Xasan Sheekh Dhalasho ahaana ka Soo Jeeda Somaliland oo Muqdisho Ku Geeriyooday & Madaxweyne Farmaajo oo Aaskiisa ka qayb galay SAWIRO

Muqdisho 02. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo) Guddoomiyaha Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeybgalay salaadda Janaasada oo lagu tukaday Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dekedaha, gaadiidka cirka iyo dhulka marxuum Nuur Faarax.


Marxuumka ayaa saaka ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo mudooyinkanba uu xanuunkiisa lagula tacaalayey.

Madaxda ka qeybgashay tukashada salaadda janaasada ee marxuum Nuur Faarax waxaa ka mid ahaa wasiirro iyo wafdigii Turkiga ka socday ee saaka soo gaaray Muqdisho, waxaana salaadda lagula dukaday masjidka madaxtooyada.

Salaadda ka dib ayaa Madaxda qaranka waxay u duceeyeen Marxuumka, waxaana Alle ay kaga baryeen inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo, sidoo kalana uu Samir ka siiyo Qoyska iyo Ehelada uu ka baxay.

Wasiirka ayaa geerioyooday isaga oon xilka ku wareejin wasiirka cusub ee loo soo mahgacaabay Wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirkan geeriyooday ayaana kasoo jeeday Somaliland.

Comments are closed