|

Dhawr Todobaad Kadib Waxay Maxkamadda Sare Dacwadii Xisbiga UCID u gudbiyey Isu Dhaafisay in Guddiga diiwaangelintu Ka Garnaqdo DAAWO

Hargaysa 03. April 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa soo celisay Dacwad Xisbiga UCID u gudbiyey oo ka dhan ahayd Lix Xildhibaan oo ka tirsan Kuwa Golayaasha deegaanka dalka ugu jiray UCID oo bishii labaad shaaciyey inay ka baxeen UCID oo ay Kulmiye ku biireen, waxaanay Maxkamaddu amartay inay Dacwaddaas ka garnaqeeda leedahay Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyadu, waxaanay isla maanta Qareennada UCID difaacayey u gudbiyeen Guddigaas Maxkamaddu ku riixday.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ka tirsan Qareennada u doodaya Xisbiga UCID iyo Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Somaliland, ayaa dhinac waliba geestiisa ka hadlay Dacwaddaas ay Maxkamaddu amartay in Guddiga diiwaangelintu ka garnaqo, ka dib markii ay Dacwaddaas isla gelinkii hore ee shalay markii ay Maxkamaddu soo celisayba loo gudbiyey Guddiga.

 

Waxaannu Warbixinta Warkooda iyo Hadalladoodaba Xubnaha dhinacyada Guddiga iyo Xisbiga UCID u hadlay-ba, idiinkku so ogudbinaynaan Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed