Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland Oo Musharrax Gaar Ah U Ballan-qaaday Inuu Maalinta Doorashada U Codeynayo DAAWO
Hargaysa 03. April 2017 (SDN/QJ):- Waxa markii ugu horeysay Somaliland ka dhacday in Suldaanka guud ee Salaadiinta Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir uu fagaare Musharrax gaar ah uga ballan-qaado inuu Maalinta Doorashada Codkiisa siinayo.
Arrintan oo noqonaysa Mid ugub ku ah Somaliland, maaddaama oo Salaadiintu yihiin Mus-dambeedka iyo Marjaca loo noqdo marka khilaaf yimaaddo isla-markaana furdaamiya waxyaabaha Dalka Mushkiladda ku ah, ayaa waxa fagaare ka sheegay Suldaanka guud ee Salaadiinta Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka qayb-galay Casuumad uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi u sameeyay Garabka Haweenka ee Xisbul-xaakimka KULMIYE.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Makarafoonka ku soo dhaweynayey Suldaanka ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaynu Markhaati ka ahaano, Muuse Biixi oo ah Musharraxeenna (KULMIYE) iyo Suldaankeenna guud isku Dugsi bay ahaayeen maantana way is-dooranayaan, Suldaankeenna Guud wuxuu diyaar u yahay inuu u codeeyo Muuse Biixi Cabdi.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo markaa ka dib loo dhiibay Makarafoonka ayaa isagoo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi garab taagan yahay yidhi “Mudane, Madaxweyne waxaan kuu ballan-qaadayaa inaan ku codeeyo Maalinta Doorashada.”
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna markaa ka dib Makarafoonka qabsaday ayaa hadalka Suldaanka Guud kaga dareen-celiyey oo yidhi “Suldaan aad iyo aad baad u Mahadsan tahay, intaanad Suldaanka noqonin Saaxiibbaynu ahayn, waxaynu ahayn laba dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah, markaad Suldaanka noqotayna xagga dambe ayaanu ku hadhnay.”
Wallow, Salaadiintu ka mid yihiin Muwaadiniinta reer Somaliland ee codkooda ka dhiibta Doorashooyinka Dalka ka dhaca, laakiin waxa cusub in Suldaan haya Xil ummadda ka dhexeeya isla-markaana ah Qofka haddii dhibaato timaaddo xalkeeda waajib ka saaran yahay uu muujisto taageeradiisa gaarka ah.
Madax-dhaqameedka ayaa ah Hoggaamiyeyaasha dadban ee Ummadda reer Somaliland, waxayna awood u leeyihiin inay damiyaan Mushkilad aanay awooddeeda lahayn Dawladdu, taana waxay ku heleen inay Dadka u dhexeeyaan, laakiin haddii Siyaasiyiintu ay Dano gaar ah uga faa’ideystaan Madax-dhaqameedka waxa meesha ka baxaya oo Dumaya kalsoonidii lagu qabay Madax-dhaqameedka, waxaana daciifaya ixtiraamkii Shacabku u hayeen Madax-dhaqameedka.
Ugu dambayn, waxa habboon in aan la lumin Kalsoonida lagu qabo Madax-dhaqameedka, maaddaama oo Salaadiinta iyo Cuqaashu yihiin kuwa ugu dambeeya ee Talada Ummaddu ka Go’do.