|

“Somaliland wixii Siyaasad ah ee aynu isku-haynaa waa sideeda, ee wixii Horumar ah yaan…” Madaxweynaha Jubbaland DAAWO

Kismaayo 03. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ayaa dawladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqay in Somaliland loo fududaydiyo wixii horumar ah, isla markaana waxa uu sheegay in wixii Siyaasad ah ee la isku hayo ama la isku diiddan yahay markay wakhtigeeda gaadho laga heshiin doono, laakiin loo baahan yahay in horumarka lagala shaqeeyo.

Sh. Axmed-Madoobe waxa uu sheegay in aanu doonaynin in Somaliland wixii dhinaca horumarka ah ee Soomaaliya kaga xidhan in la siyaasadeeyo oo loo diido, waxaanu yidhi; “Somaliland wixii siyaasad ah ee aynu isku hayno waa sideeda, laakiin ma doonayo Soomaali wixii kaga xidhan in loo diido.”

 

“Siyaasada waanu ka heshiinaynaa, waanu wadahadalaynaa, dariiq baanu isu-maraynaa. Laakiin wixii waxtar iyo horumar u ah in la yidhaahdo waxbay sheegteenoo aynu geeska galino.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland Sh. Axmed-Madoobe mar uu arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlayey Khudbad uu ka jeediyey Xaflad uu ku canaantay, talooyinna ugu soo jeediyey Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Axmed-Madoobe wuxuu sheegay in arrimaha la xidhiidha Siyaasadda ay isku diiddan yihiin Soomaaliya iyo Somaliland laga heshiin doono marka la helo Raggeeda, waxaanu yidhi; “Waxaan ka doorbidi lahaa Walaalaheen wixii Soomaalinnimo kaga xidhan, waxaan qabaa dawladda federaalka ha noqoto ama Hay’adaha caalamiga ah ha noqotee in loo fudaydiyo oo aan xaaladda Siyaasadeed iyo horumarinta la isku-xidhin. Siyaasada marka ay joogtana Raggeeda ayey helaysaa oo waa laga heshiin doonaa.”

 

Waxa uu Sheekh Axmed-Madoobe, ka dalbaday dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in maamul-goboleedyada waxay xaqa ugu leeyihiin dawladda dhexe marka laga hadlayo dhinaca caawimooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee caalamka laga helo in si siman loo gaadhsiiyo, isla markaana lagula xisaabtamo, halka Ururro inta la siiyo waaan deegaankii laga qaban la sheegayo in loo qabtay.

 

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland Khudbadda uu jeediyey ee uu arrimahaas iyo kuwo kale-ba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed