Badhtamaha Nairobi Oo Lagu Toogtay Laba Dhallinyaro Ah Oo Mid Soomaali Yahay & Muuqaalkii Ugu Naxdinta badnaa oo Laga Duubay DAAWO
Nairobi 03. April 2017 (SDN/QJ):- Laba Dhallinyaro oo Midkood Soomaali yahay isla-markaana ka mid ahaa Kooxaha Rabshad-wadeyaasha ah, ayaa Shalay badhtamaha Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ay ku toogteen Ciidammada Dhar-cadda ah ee ka midka ah Booliiska Kenya.
Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet oo ka hadlay Dilka Labadaa Dhallinyarada ah oo markii la dilayey Muuqaal laga duubay, ayaa sheegay in la baadho Muuqaalkaasi laga duubay markii ay Dilka fulinayeen Ciidammada loo yaqaano Flying Squad-ka.
“Waxaa waajib ah in la baadho dilka muuqaalka laga duubay”, sidaasi waxaa yidhi Afhayeenka Booliska, Charles Owino.
Muuqaalka waxaa laga daawaday, ninka police-ka oo qabanaya eedeysanaha, kadibna waxaa la maqlay shan xabadood.
Dad badan ayaa aad uga naxay markii ay daawadeen muuqaalka, waxaana hey’addaha xuquuqda Insaanka ay codsadeen in la baadho arrinta.