|

Somaliland: Ey Dad Cun Ah Oo Wiil Yar Ku Dhaawacay Berbera & Waraabe Harraaddan Oo Weerarray Maati Loo Qaybinayey Raashin Mucaawimo Ah

Berbera 03. April 2017 (SDN/QJ):- Maaddaama oo Deegaannada Bariga Somaliland ay ka jirto Xaalad Abaareed oo aad u adag isla-markaana Harraadka ka dhashay Biyo la’aantu wada gaadhay Dadka, Xoolaha iyo Dugaaggaba, ayaa Dad Shalay Duleedka Degmada Dhahar ee Bariga Gobolka Sanaag loogu qaybinayey Raashin Mucaawimo ah waxa soo weerarray Waraabe Harraaddan.

Waraabahan oo halka uu weerarka ku soo qaaday ay ku sugnaayeen Dad u badan Carruur iyo Dumar Abaaruhu ka soo baro-kiciyeen Deegaannadoodii, ayaa waxa ka difaacay qaar ka mid ah Raggii waday Hawsha qaybinta Raashinka, laakiin mid ka mid ah Raggaasi ayaa waxa dhaawac soo gaadhsiiyey Waraabaha, ka dib markii uu qaybta hore ee Gacanta bidix ka Qaniinay.

Ninkan uu Waraabaha Weerarka ahaa dhaawaca gaadhsiiyey oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warramay siday wax ku soo gaadheen “Waxaanu u nimid Waraabaha oo isla Caddiban yihiin Carruur, dabadeedna Dhagax ayaan ku dhuftay Waraabaha, dabadeedna wuu igu soo aaday oo Gacanta ayuu igaga haliilay oo uu I qabsaday.” Ayuu yidhi Ninkaasi oo Magaciisu yahay Dibad Faarax Cismaan, waxaanu intaa ku daray “Waraabuhu wuxuu soo weerarray Carruur, laakiin markii dambe waanu dilnay.”

Dhanka kale, Wiil Da’diisa lagu sheegay 14 Jir ayaa Ey Dad Cun ahi Shalay dhaawacyo halis ah ugu geysteen Magaalada Berbera, gaar ahaan meel ku dhow Dekedda oo loo yaqaanno Laba Baddooda.

Wiilka yar Eydu ku cuntay goob xidhan oo dhinaca ay Baddu xigto, dhinaca kalena uu ku Deyr ahaan ugu xidhan yahay Silig adag, taasi oo la sheegay inay tahay Sababta suurto-gelin wayday in Dadkii arkayey ay u gurman kari waayaan.

Shabakaddu waxay baahisay Sawir laga qaaday Wiilkan yare e Eydu cuntay, kuwaasi oo muujinaya in Eydu ay Wiilka yar aad uga cuneen Wejiga iyo meelo ka mid ah Caloosha.

Wiilka oo Xaaladdiisa Caafimaad laga deyrinayo, ayaa waxa la geeyay Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera si loola tacaalo Caafimaadkiisa, sida ay ku warrantay Shabakadda aanu warkan ka soo xiganay.

Source Wargayska Himilo

Comments are closed