Haween Al-Shabaab Lacago u soo marin jiray Hargeysa iyo Nairobi oo Maraykanka lagu Xukumay
Hargaysa 03. April 2017 (SDN/QJ):- Laba Dumar ah oo Soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay Shabakadda Internet-ka, ka sameeyeen Qol lagu sheekeyso (Chat room), isla markaana ay Lacag Kumannaan Kun oo Doollar ah uga ururiyeen Xarakadda Al-Shabaab, kuna taageereen, ayaa lagu xukumay Xabsi.
Labada Gabdhood ee la xukumay, ayaa lagu kala magacaabaa Muuna Cismaan Jaamac oo 36-jir ah iyo Hinda Cismaan Dhiirrane oo 46-jir ah. Muuna, waxaa lagu xukumay 12 sannadood oo Xabsi ah, halka Hinda lagu xukumay 11 sano oo Xabsi ah. Muuna waxay degganayd Reston halka ay Hinda degganayd Kent, labadaas degmo oo ka tirsan magaalada Washington ee waddanka Maraykanka.
“Dumarkani may diidin in ay dhaqaale ku taageereen Al-Shabaab, isla markaana ay Internet-ka ka sameeyeen Qol lagu Sheekeysto si Al-Shabaab loogu taageero Lacag. Lacagahaas waxay marin jireen Nairobi iyo Hargeysa, iyada oo qaybta Hargeysa la gaadhsiin jiray Al-Shabaabta Buuraha Golis ee Galgala, halka qaybta Nairobi lagu dhisay Laba Guri oo ay mid ka mid ah ku dawaystaan Dagaalyahannada Al-Shabaab ka soo dhaawacma iyo mid lagu diyaariyo weerarrada Al-Shabaab ka fuliso Kenya, ahna Istoodh ay Hubka ku kaydsadaan. Xidhiidh toos ah ayey la lahaayeen Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, inkasta oo ay markii dambe hakiyeen, waxaanay Qolkan gaarka ah isku waydaarsan jireen Xogaha la qarinayo ee arrimaha Al-Shabaab la xidhiidha.” sidaas waxaa yidhi Paul M. Abbate oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda FBI Xafiiskeeda Washington.
Waxaanu isaga oo sii sharraxaya Mr. Paul uu intaas ku daray; “Waxay la baxeen Kooxda 15-aad (Group of Fifteen), sida ku cad magaca ay ku isticmaalayeen dhaqaale-ururinta ay u samaynayeen Al-Shabaab, waxaanay ka kooban yihiin Haween ka kala yimi Soomaaliya, Kenya, Masar, Netherlands, Sweden, Britain iyo Canada, kuwaas oo ku kala nool dalalkaas iyo sidoo kale magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Maraykanka. Waxaanay Kooxda 15 si joogto ah ugu kulmi jireen Qolka wada-sheekaysiga oo ay samaysay Muuna Jaamac, isla markaana ka ururin jirtay bil kasta Lacag ay u dirto dhinaca Hargeysa si ay Lacagtaa hawlgallada Millateri ugu isticmaalaan Al-Shabaabta Buuraha Golis ee Waqooyiga Soomaaliya.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo diiwaangeliyey caddaymo la xidhiidha Taleefanno ay ku wadahadleen Haweenkani iyo inay qoslayeen labadan Gabdhood ee Soomaalida ahi markii uu dhacay Weerarkii Wastgate Mall ee magaalada Nairobi ka dhacay 2014-kii iyo weerarro ka dhacay Maraykanka iyo meelo kale. Sidaa daraaddeed, Maxkamad ku taalla magaalada ALEXANDRIA, Va oo ka tirsan Washington, ayaa xukunkooda ridday labadan Haweenka ah ee asal ahaan Soomaalida ah.
Hase-yeeshee, Qareennada Difaacaya Labadan Dumarka ah ee Muuna Cismaan Jaamac iyo Hinda Cismaan Dhiirane, ayaa geestooda ku dooday oo sheegay in Lacagaha ay u direen Dad ku nool Soomaaliya oo aan aheyn Al-Shabaab iyo Argaggixiso toona, kuwaas oo ka mid ah Eheladooda iyo Asxaabtooda sida ay Qareennadu ku doodeen.