|

“Geelu Reer Reer Isuguma keen jiro, Kulmiyaa lagu yaqaannaa Qabyaalad ee Innaga Qarankaa Geelu isugu keen jiraa..” Hogaamiye Xirsi

Berlin 03. April 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in ku dhaqanka Qabyaaladda ay ku kala duwan yihiin Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, isla markaana Kulmiye Astaan u yahay ku dhaqanka Qabyaaladda iyo wax ku doonkeeda, balse iyagu Waddani ahaan aanay Beelo Geelu isugu jirin ee Qaranka Somaliland Geelu isugu jiro; sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Xirsi sidaa ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Xaflad ay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jarmalka ku dhaqani ku qaabbileen Wefti uu hoggaaminayo Musharraxa jagada Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo Safar ku maraya waddamo Yurub ka tirsan, Xafladdaas oo lagu qabtay magaalada Berlin ee xarunta dalka Jarmalka, ayuu Xirsi ku sheegay in is-beddelka, midnimada iyo horumarka Somaliland ku jiro Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay, sida lagu sheegay War ka soo baxay Xisbiga Waddani oo Ogaal ka soo qaatay inta uu Xirsi arrimahaas kaga hadlay.

 

“Inaad xal u aragtaan Qarankeennii inuu ku badbaadayo Waddani waa taan Annaba hore u aragnay, Geeluna Reer Reer isuguma keen jiro oo Xisbiga Kulmiyaa lagu yaqaannaa Qabyaaladda, Innaga Qarankaa Geelu isugu keen jiraa, Innaga Calaamaddeennu waa Qaranka, Qaranka oo wax isku darsada, Qaranka oo wax wada leh, Qaranka oo isku dana, kaasaynu doonaynaa, dooni mayno inaynu Innagu laba laba Geela isugu darsanno.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

 

Waxa uu Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sii watay hadalkiisa, intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Qaran kuma unkamo oo kuma dhismo oo kuma dhaqaaqo oo kuma dhaqaaloobo haddii laba laba wax laysugu darsado. Waxaynu leenahay aynu Qaranka oo dhan wax isugu darno, isku dan ka dhigno, isku duubno, midnimadooda ka shaqayno, meelna uga soo wada jeedno.”

Comments are closed