Tusaalle Cajiib ah, Maxaa dhacaya Hadii la diido Hadalka Alle Wayne ee Koonka & Makhluuqiisa Abuuray?!! DAAWO
Hargaysa 03. April 2017 (SDN/QJ):- Sidaan la socono wax walibaa waxay leeyihiin qawaaniin ama sharciyo loo dajiyay, cidii sharcigaasi ku xadgudubtaana waxaa ku dhaca cawaaqib xumo kaga timaada dhanka cidii dajisay sharcigaasi, haduu uu noqon lahaa Alle Wayne ama kuwa ay dajiyaan Ibnu Aadamka.
Hadaba Alle Wayne wuxuu Adoomadiisa Muslimiinta ah amray in aysan is qilaafin, hadii qilaaq dhaxdooda uu ka dhasho wuxuu Alle u sheegay in qoomkaasi ay baaba’ayaan ama la wayn doono guud ahaan asalkooda, sidaasi darteed waxaad moodaa In Soomaalidda ay arrintaasi uu Alle faray in ay iska indha tireen, oo ay ku faraq xirteen Ibliis oo diin cusub u dajiyay, diintaasi oo lagu magacaabo Qabiil.
Ugu danbeyntii daawo barnaamijkaani waxaad arki doontaa, cawaaqibka darran ee ku dhacay labba Cawl, oo ku hardamayay meel banaan ah, waxaa si kadis ah gadaashood ugu soo baxday Gool [Libaaxad] hadaba maxaa ku dhacay?