Pakistan: Shaqo la siiyey Konton Qof isku Qoys ah & Eexaysigii ugu Weynaa ee Lagu Dhaleeceeyo
Karachi 03. April 2017 (SDN/QJ):- Dalka Pakistan ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdo la sheegay in konton qof oo isku qoys ah shaqo loogu qoray waaxda Caafimaadka ee dawlad-goboleedka Sind.
Arrinkan oo lagu timaamay eexaysigii ugu sareeyey, ayaa lagu ogaaday ka dib markii shaqaalaha Caafimaadka gobolkaasi dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare ay ku eedeeyeen Dawlad-goboleedka Sindh iyo waaxdiisa Caafimaadku shaqo siiyeen 48 qof isku qoys ah degmada Ghotki.
“Inka badan 48 ruux, oo ka soo jeeda qoyska Chadhar ayey shaqo siisay dawlad-goboleedka Sindh, laga soo bilaabo ilaa sannadkii 2008,” ayuu sheegay Farman Cali, oo dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare Pakistan.
Inkastoo dadkaa badankooda kaalmaha hoose shaqada loogu qoray sida ilaaliyeyaal, iyo tallaalka, laakiin, Mr. Cali ayaa sheegay in degdeg loo dallacsiiyey. Badankooduna waxay ka shaqeeyaan cusbitaalka degmadu leedahay.
Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa aqbashay qabashada dacwada, isla markaana waxay shaacisay in dhegeysigeedu bilaabi doono berri.
Wasiirka Caafimaadka gobolka Sindh Sikandar Ali Mandhro ayaa ku dooday inaanu xog badan ka hayn, arrinka, isla markaana uu baadhi doono.
Gobolka Sindh ayey maamulkiisa hayeen xisbiga PPP, ee haweenaydii la dilli jiray ee Benazir Bhutto aasaastay ilaa sannadkii 2008, inkastoo xilligan uu hoggaamiyo ninkeedii Asif Ali Zardari oo sannadahii u dambeeyey eedo musuqmaasuq xabsi ugu jirta.
Xisbigan ayaa lagu eedeeyaa musuqmaasuq inuu maamulkiisa gobolka Sindh ka jiro, taasoo keentay inuu ku xidhmo ganacsatada iyo dadka ugu awooda badan gobolka, sidaana doorashada ku helo.