Diyaarada Ugu Qaalisan Adduunka Oo Loo Sameeyay Ciidammada Badda Ee Maraykanka !
Washington 01. April 2017 (SDN/QJ):- Diyaarad nooca loo yaqaan Helicopter-ka oo loo sameeyay ciidanka Badda ee Dalka Maraykanka ee loo yaqaano “Marines” ayaa noqon doonta Helicopter-ka ugu qaalisan Adduunka, taasi oo la qiimo noqonaysa Diyaarada Dagaalka ee Caanka ah ee loo yidhaa F-35, Diyaaradan Helicopter-ka ah oo magaceeda la yidhaahdo CH-53 King Stallion ayaa qiimaheedu yahay 122 Millyan oo Dollar, qiimaha Helicopter-kan ayaan wax badan ka yarayn qiimaha Diyaarada Dagaalka ee F-35 oo uu qiimaheedu yahay 122.8 Millyan oo Dollar.
Helicopter-tan ayaa loogu tala galay in ciidammada Badda ee Dalka Maraykanku ay adeegsadaan sanadka 2019ka, waxaanay kaga duwan tahay Helicopter-dii hore tirada Ciidanka ay qaadi karto oo ah 24 Askari iyo hal gaadhi oo ah gawaadhida Dagaalka gaar ahaan nooca loo yaqaan Hummer-ka ee loogu tala galay Dagaalka.
Sidoo kale Diyaaradan King Stallion ayaa waxay mar qudha qaadi kartaa alaab dhan 13.5 oo Tan sidaasina waxa ku noqotay Helicopter-ta ugu qaalisan Adduunka.