Wargeyska The Guardian:Dhallinyaro Somaliland ka Bilaabay Olole Lagu Cidhibtirayo Gudniinka Fircooniga ah
Hargaysa 31. March 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa Ingiriiska ee Theguardian ayaa daabacay warbixin tilmaantay in haweeenka Somaliland ku dhaqan ay 98% soo mareen hab ama nooc ka mid ah gudniinka fircooniga ah.
Warbixinta oo aan soo turjunnay ayaa u qoreyd sidan: “Unicef waxay ku qiyaastay ilaa 98% hablaha iyo marwooyinka da’ ahaan u dhaxeeya 15 iyo 49 jir in ay la soo kulmeen nooc ama hab ka mid ah noocyada gudniinka fircooniga ah- ugu dhawaan waa tiro niyad jab ah. Arrintani aalaaba waa mid ku jirta gacmaha haweenka, mana aha mid si furan looga hadlo.Iyada oo ay sidaa tahay ayaa weliba waxa ay Unicef rumeysantay in ay lama huraan tahay in raggu ka ahaado qeyb xal kasta oo laga gaadhayo.”
Ragga dhalinyarada ah ee ku nool Somaliland ee ka soo horjeeda ku dhaqanka dhaqankan ayaa waxa ay sameeyaan dhaqdhaqaaq isbeddel doon oo isa soo taraya, balse hagardaamada abaarta ayaa dabooshay noloshii dadka ilaa haatan.
Khadar, 24 jir ka mid ah dhalinyaradaas ayaa yidhi, “Tallaabadii u horeysay ee aan ka qaaday arrinta waxa ay aheyd in aan dhacsiiyo walaashay in aaney ku sameyn inanteeda gudniinka fircooniga ah, waxa aan uga warraney saameynta xun ee uu leeyahay, waxa kale oo aan qirsiiyay in ay dhegasato culimada islaamka ee ka soo horjeeda gudniinka si aan u tuso in aanu aheyn wax ku lug leh diinta. Kadib markaan in badan ka wada hadalay waa ay iga aqbashay, kumanay sameyn gudniinkii, taasna waan ku hanweynahay.”
“Guud ahaan, raggu kama hadlaan gudniinka, waana arrin ka reeban,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray; “Raggu halkani waa masuulka qoyska, waxaana taa macnaheedu yahay in ay ka ciyaari karaan door muhiim ah soo afjaridda gudniinka, waa haddii ay sidaa doortaan .”
Maxamed oo isna 23 jir ah oo fadhiyay ka soo horjeedkiisa ayaa madaxa u ruxay inuu ku raacsan yahay, waxaanu arrinta ka yidhi,“Jiilkii waalidkayo runtii kama hadli jirin gudniinka, balse imminka waxaad arkeysaa in aan ka sheekeysaneyno asxaabatayada, tan ayaana sameyneysa farqi weyn.”
Cali oo 28 jir ah oo isagu madax u ah ololaha Candlelight ee gudniinka ayaa ka digay in ay abaartu saameysay ololohii ka dhanka ahaa gudniinka fircooniga ah.
“Uma tegi karo bulshadii oo aan heysan biyo iyo cunto midna, mana odhan karo waxaan u soconaa inaan idiin sheegno inaad joojisaan gudniinka.Waa arrin aan caqligal aheyn.“ Iyada oo ay dadkii aaney heysan cunto iyo biyo caqli ma aha in aan kala hadalo gudniinka,” ayuu yidhi Cali.
Inta badan heyadda Candlelight ololaheedu waxa uu ku abbaaran yahay dhulka miyiga ah, halkaasi oo uu caadi ka yahay gudniinka fircooniga ah nooca III FGM.
Olalaha ka dhanka ah gudniinka waxa ay badanaa ka soo abaabulaan in ay isugu keenaan waxgaradka bulshada, hoggaamiyeyaasha diinta, iyo raga iyo dumarka deegaanka, dhalinyarada iyo ardeyda jaamacadaha sida Cali iyo Muxamed.
Haseyeeshee Somaliland waxa ay la daalaa dhaceysa mid ka mid ah abaartii ugu dareyd sannado.
Dhibaatada biyo iyo raashin la’aaneed ayaa ka dhigtey mashaariicdii gudniinka ee heyadda Candlelight ka waday dhulka miyiga ah kuwa aan suurtogal aheyn waqtigan adag ee lagu jiro, kuwaas oo ay aheyd in ay bilaabmaan bishii Jenaweri, balse la joojiyay ilaa inta ay ka helayaan biyo iyo cunto bulshooyinkii u ahaa bartilmaameedka.