Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Sheegay in Shakhsiyaad Ujeedooyin Kale lihi ay dhalan rogeen Hadal uu Warbaahinta Siiyay DAAWO
Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mudane Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Cadeeyay in Hadal uu hore warbaahinta u siiyay iyo talooyin uu u soo Jeediyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku Wajahan Siyaasada Somaliland ee Magaaladda Buuhoodle ay Shakhsiyaad dano kale lihi dhalan rogeen Isla markaana ka dhigeen inuu Madaxweynaha ka dalbaday inuu Cudud Ciidan geeyo Magaaladda Buuhoodle hasa yeeshee Wuxuu Sheegay in Ujeedada hadalkiisu ku qotomay inuu madaxweyne Siilaanyo ka dalbanayo inuu Si gaar ah wada hadal ugu furo Buuhoodle.