Xukuumadda oo ugu Baaqday Bulshada Somaliland inay ka Faa’iidaystaan Biyaha Xilli-roobaadka
Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, ayaa soo jeediyey in laga faa’iidaysto biyaha roobka cirka ee xilligan Gu’ga curtay oo inta badan biyihiisu galaan badda.
Wasiir Xuseen Boos waxa uu sheegay inay wadaan mashaariic la doonayo in lagu qabto biyaha si looga faa’iidaysto xilliyada abaarta ee biyo yaraantu dhacdo, kuwaas oo biyo-xidheenkii ugu waynaa ee u horreeyey uu iminka dhammaaday oo biyaha uu qabto la isticmaali doono wixii hadda ka dambeeya.
“Waxa hadda jira qolyo mashaariic badan wada, biyo-xidheen laga dhisayo deegaanka Xumbo-wayne oo ay bixiyeen Imaaraadku isagu waa gabogabo oo xilli-roobaadkan waynu ka faa’iidaysan doonaa Insha Allaah oo waa diyaar oo in aannu u furno sida ugu dhakhsaha badan ayuun baa talada noogu jirta, dhawr dhaam oo kale ayaa iyaguna jira oo iminka la bilaabayo inkastoo laga yaabo inay xilligan dib uga dhacaan, laakiin qorshuhu yahay in biyaha cirka lagu qabto, waayo waxa la yidhaa qiyaas ahaan biyaha Cirka ee Somaliland 80% waxay ku shubmaan oo galaan badda oo way innaga khasaaraan, haddii aynu biyahaa qabsanno ugu yaraan boqolkiiba 50% waxa laga yaabaa in aanay biyo la’aan badani innagu dhicin,” ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Boos qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Dadaal badan baanu ku jirnaa mashaariic badan baa noo socda, qorshayaasha noogu jira biyaha lumaya waxa ka mid ah mashruuc aannu furnay maalin dhawayd oo Bangiga Horumarinta Afrika nala wadaan oo hadda xayeysiinta kambaniyadii ka qaybqaadanayey ay noo yimaadeen oo ciddii ku guulaysata shaqadaasina ay hore u qabanayso.”
Wasiirka Khayraadka Biyuhu waxa uu iftiimiyey qorshayaal lagaga gaashaaman karo khasaaraha ka dhasha biyaha dooxyada xilliyada roobka oo ay u dambaysay geeridii laba dumar ah oo walaalo ahi ku timi kadib markii baabuur ay wateen uu qaaday daad ka soo rogtamaday dooxa Aw Barkhadle ee bariga Hargeysa maalintii Axaddii, isagoo wasiirku dhambaal tacsi ah u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen haweenkaasi.
“Xukuumad ahaan waxaannu jecelnahay in aannu labadaa tog (doox) ee Dacar-budhuq iyo Aw-Barkhadle in aynu uga faa’iidaysano mashaariicda, wasaarad ahaan annaga ayaa qaranka wixii biyo ah uga masuul ah in aannu ka shaqayno, markaa waxaan jecelahay in hadda lagama gaadhsiinayo oo roobku wuu da’ayaaye aannu sannadaha dambe khasaarahan oo kale innagu dhicin oo kor loo qaado biriijka ama biyaha laga xidho oo looga faa’iidaysto beeraha ama si kaleba,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Boos.
Xigasho: Wargayska Jamhuuriya