|

Hargeysa: Khatarta Xadhkaha Xambaara Laydhka Oo Korodhay Markii Roobka Gu’gu Curtay

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Ka dib, Roobka Gu’ga oo ka curtay inta badan Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa sababay in Xadhkaha Laydhka Xambaara ee Dul-mara qaybaha Magaaladu ka kooban tahay inay isku marmaan isla-markaana uu qaarkood ka dhasho Shoodh sabab khasaare Naf iyo Maalba leh.

Xadhkaha Laydhka Qaada oo si bilaa nidaam ah u dul-daadsan qaybaha Magaalada Hargeysa, ayaa markii Raxmaadkii Alle bilaabmay isku rogay khatar wax kasta gelaafan karta, ka dib markii Xadhkaha qaarkood iyadoon Shirkadihii lahaa aanay ogeyn ay iyagoo dabaysan Dhulka ku daateen, waxaana qaarkood halis geliyeen Muwaadiniin si is-moogaan ah u taabtay.

Khataraha Xadhka Laydhku sababeen waxa ka mid ah Shoodh Shalay ka dhacay Meherad ku taalla Suuqa Waaheen ee Badhtamaha Hargeysa, kaasi oo qabsaday Haweenay Waayeel, taasi oo dhaawac ka soo gaadhay Dabka qabsaday, wallow markii dambe dabkii Haweenaydaa qabsaday ay ka hor-tageen Ciidammada Dab-damiska oo lagu soo war-gelyey sida Shalay ay baahisay Waaxda Warfaafinta ee Ciidammada Dab-damiska Hargeysa.

Gabadha dhaawacu ka soo gaadhay Laydhka qabsaday ayaa markii dambe la geeyay Cisbitaalka guud ee Hargeysa, si loola tacaalo Xaaladdeeda Caafimaad.

Sidoo kale, Ciidammada Dab-damisku waxay hawl-gallo ka sameeyeen Suuqa Waaheen qaybtiisa bariga, gaar ahaan Jidka ku dhow Masjid Jaamaca Hargeysa, halkaasi oo xadhkaha Laydhka ee mara uu olol ka kacay.

Sidoo kale, Ciidammadu waxay hawl-gal kaa hore oo kale ah ka sameeyeen meelo kale oo ka mid ah Caasimadda, si ay uga hor-tagaan dhibaato ay sababaan Xadhkaha Laydhka Xambaara ee sida Taxadar la’aanta ah u dul-daadsan dusha sare ee Magaalada Hargeysa.

Ugu dambayn, waxa muhiim ah in Shirkadaha Laydhka siiya Magaalada iyo Laamaha Dawladda ee Arrintani khuseysaa ay iska kaashadaan sidii wax looga beddeli lahaa nidaamka ay hadda u yaallaan Xadhkaha qaada Laydhku, si looga waaqsan karo dhibaato ku timaadda Dadkeena.

Comments are closed