|

Siyaasi Reer Burco Ah Oo Wasiir Maxamuud Xaashi Ku Eedeeyey In Uu Hantidii Umadda Ku Bixiyey Ammaantiisa DAAWO

Burco 29. March 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo ka mid ah siyaasiyiinta ku nool Degmada Burco ee gobolka Togdheer oo warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa eedo cul-culus u soo jeediyey wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana uu sheegey in wasiirku uu hantidii umadda ku bixiyey sidii loo ammaani lahaa.

Geesta kale Siyaasi Saleebaan Ibraahim ayaa si adag uga hadley mashruuca sahaminta shiidaalka ee ka socda deegaanka Oodwayen,waxaana uu sheegey in aan maanta ahayn xilli la qado shiidaal,balse ay ahayd in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Comments are closed