Talyaaniga oo Badbaadiyey 1200 Oo Tahriibayaal ah iyo Maxkamad Masar ku taal oo Xukuntay 56 Tahriibiye
Roma 29. March 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada ilaalada Xeebaha dalka Taliyaaniga iyo Maraakiib ay wataan Ururro aan dawli ahayn, ayaa sheegay in Badwaynta Mediterranean-ka ay ka badbaadiyeen 1,200 oo Tahriibiyaal ah Axaddii toddobaadkan.
Dadkan Tahriibayaasha ah, ayaa Doomo yaryar ka raacay Xeebaha dalka Liibiya, Doonyahaas oo Looxaan ka samaysnaa, ayaa la sheegay in mid kasta oo ka mid ah ay saarnaayeen 412 Qof.
Ciidammada Talyaaniga, ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay sare u kacday tirada Tariibayaasha ka tegaya Waqooyiga Afrika, iyadoo haatan Baddu ay tahay mid deggan wakhtigan.
Dadkan, ayaa la sheegay in ay ku jiraan Dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci-darro ah ku galaan waddamada Qaaradda Yurub; si ay u helaan nolol ka duwan ta ay waddamadooda ku haysteen.
Geesta kale, Maxkamad ku taalla dalka Masar, ayaa xukun ku ridday 56 Qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug-lahaayeen Doon sidday Tahriibayaal oo ku degtay Xeebaha dalkaasi. Doontaas waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo Ruux oo Tahriibayaal ahaa, bishii September ee sannadkii la soo dhaafay ee 2016-kii.
Dadkaas 56-ka Qof ka koobnaa waxaa lagu xukumay illaa 14-sano oo Xabsi ah, waxaana lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin dil, si ula kac Dad u dilid iyo dayacaadda nafta Aadamaha ay Doonta ku rareen. Doonta oo ku sii socotay Taliyaaniga waxay ku geddoontay Xeebaha magaalada Rosetta ee dalka Masar.
Qiyaastii 450 Qof ayaa loo maleynayaa in Doontaasi ay saarnaayeen, 100 ka mid ah waxay ku jireen qeybta hoose ee Doonta oo ay ka soo bixi kari waayeen, kuna dhinteen. Waxaa doontaasi ka badbaaday 163 Qof oo u badnaa Masaari. Waxaa sidoo kale saarnaa Dad u kala dhashay Suuriya, Suudan, Eritreya iyo Soomaaliya, oo intoodii badnayd halkaas ku naf-waayeen.
Qaar ka tirsan Dadka badbaaday waxay sheegeen in Xeebaha Masar lagu hayay shan maalmood, si Dad badan loo saaro Doonta aakhirataankii la degtay. Doontaasi waxay geddoontay markii 150 Qof oo dheeraad ah la saaray, sida ay sheegeen kuwa badbaaday.
Illaa 57 Qof, ayaa Dacwad lagu oogay, balse hal Qof oo Dumar ah, ayaa dembi lagu waayay. Eedaha ugu yar ee Dadkaasi loo haysto waxaa ka mid ah; in aanay qalab wanaagsan u adeegsan badbaadinta, in ay halis geliyeen nafta Tahriibayaasha, in ay lacag ka qaateen dhibanayaasha, inay qariyeen kuwa laga shakisan yahay iyo adeegsiga Doon aan sharciyeysneyn.
Sannadkii tagay, qiyaastii 5,096 qof oo Tahriibayaal ah, ayaa ku dhintay ama lagu dhex waayay Badda. 90 Boqolkiiba waxay ku safrayeen Badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga u qaabbilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR.