Somaliland: Bandhig Ku Saabsan Lebiska oo Hargaysa Laga Furay (Fashion Show) ,Doodii ugu Cuslayd oo Saamaysay Baraha Bulshadu ku wada Xidhiidho & Aragtida Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta DAAWO/SAWIRO
Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):- Todobaadkan ayaa Waxaa Magaaladda Hargaysa ay ku qabatay Xarunta lagu Magacaabo Dhaqan Bile bandhig ay keentay Lebisyada Kala duwan ee Raga iyo Dumarka iyadoo u Samaysay bandhig ay Fashion show kaas oo ay si Wada Jir ah uga wada qayb qaadanayeen Wiilal iyo Gabdho.
Markaynu Dunnida eegno Waxaa Jira Shirkado waaweyn oo Xaysiiska dharka iyo qaabka lebiska ku shaqaysta isla markaana ka hela Lacag aad u badan iyagoo sameeya bandhigyo iyo Xaflado Sanadle ah oo lagu tartamo, Sidoo Kale waxay Shirkadahaasi Heshiisyo la galaan wershadaha dharka soo saara si ay ugu xayaysiiyaan iyagoo ka qaata dhaqaale wanaagsan.
Hadaba waxay Xarunta Dhaqan Bile ay Magaaladda hargaysa ka qabatay Qaab ay ku xayaysiinayo dharka,waxaase is weydiintu tahay Xaruntani maxay u samaysan weyday wershad soo saarta dharka inkasta oo Wararka qaar ay sheegeen in dharka ay xaruntani soo bandhigtay lagu sameeyay gudaha Somaliland hadana waxay is weydiintu tahay maxay ugu xayaysiin waayeen Telefishanada iyo Warbaahinta Noocyadeeda kala duwan.
Balse taas badalkeeda waxay xaruntani isu keentay Laba Kooxood oo Wiilal iyo Gabdho isugu Jira Iyo Koox Sadexaad oo daawanaysa una Sacab tumaysa isla markaana Somaliland u soo waariday mid ka mid ah dhaqamada reer galbeedka ee ay dharka iyo lebisyada markaas soo baxa u soo bandhigaan kaas oo aan waafaqsanayn diinteena Suuban ee Islaamka Maadama ay Gabadhi iyadoo dhar Cawradeedu ka muuqdaan ay ku dhex marayso Wiilal gayaankeeda ah.
Arrintan ayaa waxay noqotay Mawduuca ugu Saamaynta Xoogan oo loo arko in dadka ka qayb qaadanayay Fikir ka dhiibashadeedu ay isku raacsan yihiin Ficilka aan wanaagsanayn ee ka dhalanaya qaabka xayaysiis ee Shirkadani bilowday iyagoo dadkii mawduucan ka faalooday ay sheegeen in berina ay ku xigi doonto dhacdo kale oo Xumaanteeda leh.
Hase-yeeshee, Wiilasha Bandhig-Dhareedkaas sameeyey, ayaa ku dooday inaanay wax Dhaqan-xumo ah ama Diinta Islaamka lid ku ah aanay samaynin, isla markaana sababta ay Bandhig-dhar-xayeysiintan u qabteen ahayd inay Dhaqaale ugu ururiyaan Dadka ay Somaliland Abaaruhu ku saameeyeen ee Gurmadka iyo Caawimada uga baan dhammaan Walaalohooda kale.
Yaxye Xaaji Maxamed Gaydh oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha Kulankaas Xayeysiinta Dharka ah ee ay Hargeysa ku qabteen, ayaa sheegay in Dharka ay xayeysiinayeen wadannin ama gudbinaynin wax dhaqan-xumo muujinaya ama muujin kara, ee ay ahaayeen Dharka Qof kastaaba ku labbisto ee aynu Xidhanno, Shaadhadh, Surwaallo, Kabo iyo Dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida.
Waxaa kale oo Dadweynuhu eedo kala duwan u soo jeediyeen Laamaha Xukuumada ee arrintan ku shaqada leh sida Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Ciidamada Booliska & Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista oo sidii la rabay aan uga hawl galin Joojinta Bandhigaas.
Waxaa sidoo kale isaguna arrintaas iyo waxay Diinta Islaamku ka qabto ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa.